|
Madaxda dowladda oo u ambabaxay Ethiopia
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Saddexda mas'uul ee ugu sarreeya Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay maanta u amba baxeen magaalada Addis Ababa.
Socdaalkan ayaa la filayaa in ujeeddadiisa ugu weyni ay tahay in la dhex dhexaadiyo Madaxweynaha, Cabdullaahi Yusuf iyo Ra'iisal Wasaaraha oo khilaaf hadda meel xun marayaa uu u dhexeeyo. Waxaa iyagana la sheegay in Wafdiga Dowladda uga qeyb geli lahaa wadahadalka Djibouti ee lala gelayo isabahysiga dib u xoreyntu ay iyaguna halkaa u amba baxeen. Laakiin booqashadani waxay ku soo hagaagaysaa xilli meel xun uu marayey khilaafkii u dhaxeeyey Madaxweynaha dowladda KMG ah iyo Ra'iisal wasaaruhu. khilaafkaas oo soo if baxay ka dib markii ay iscasileen wassiirro ka tirsanaa dowladda, sababo la xiriiray xil-ka-qaadistii uu ku dhawaaqay Ra'iisal wasaaruhu inuu ku sameeyey duqii magaalada Muqdishu, taasi oo wasiirradu ay ku tilmaameen inayna dastuurka waafaqsanayn. Ethiopia oo ciidamadeedu ay daafacaan dawladda ku meel gaarka ah, ayaa haddana dhawr jeer oo hore dhex dhexaadisay Abdullahi Yusuf iyo Ra'iisal wasaarihii hore, Cali Maxamed Geeddi. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||