BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
14 Agoosto, 2008, 05:50 GMT; 08:50 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Askarta Ethiopia oo khasaare geystay
 

 
 
Khasaare badan ayaa rayidka kasoo gaara rasaasta Ethiopia
Khasaare badan ayaa rayidka kasoo gaara rasaasta Ethiopia
Lix qof ayaa dhintay 10 kalena waa dhaawacmeen markii ay ciidanka Ethiopia rasaas ku harqiyeen gaari mini-bus ah oo ay dadkaas saarnaayeen, meel u dhow Wanla Weyn.

Dadkan rakaabka ah ayaa iyagoo aan ka warheyn ku dhex dhacay goob ay tan iyo Arbacadii ku dagaallamayeen ciidanka Ethiopia iyo kooxaha Islaamiyiinta ah ee kala soo horjeeda dagaallada.

Shaki dhashay

Askarta Ethiopian-ka ah ayaa la sheegay inay ka shakiyeen gaariga rakaabka ah, oo ay moodeen mid iyaga duullaan ku ah, dabadeedna ay rasaas oodda uga qaadeen.

Xildhibaanno la weeraray

Dhanka kale, laba xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka KMG ah ayaa ka badbaaday weerar bam-gacmeed ah oo lagu qaaday guri ay ka deggan yihiin magaalada Baydhabo, inkastoo ay dhaawacmeen laba ilaaladooda ka tirsan.

Xildhibaannada, oo la kala yiraahdo Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Cabdulqadir Carraale ayaa la sheegay ineysan haba yaraatee wax dhibaato ah kasoo gaarin weerarka lala beegtay.

Weerarrada lala beegsado xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo ayaa ah kuwa iska soo daba noqday maalmihii ugu dambeeyey.

Dagaalka deegaanka Balow

Goor sii horreysay Arbacadii ayuu dagaal culus oo la'isku adeegsaday hub culculus ka dhacay deegaanka Balow oo u dhow degmada Wanla Weyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Inkastoo uu dagaalkaas muddo kooban socday, haddana ilo madax-bannaan ayaa BBC u sheegay inuu geystay khasaare fara badan oo labada dhinac ah.

Afhayeen u hadlay koox dagaallanta oo la yiraahdo Jabhadda Islaamka, ayaa sheegay iyo iyaga iyo ciidanka Midowga Maxkamaduhu ay weerar wadajir ah oo gaadmo ah ku qaadeen ciidan Itoobiyaan ah oo kolonyo ah oo aagaas marayey.

Wuxuuna sheegtay inay laba gaari oo Ural ah ka gubeen, askar badanna ka dileen.

Ciidanka Itoobiya, oo aan laheyn afhayeen uga hadla dagaallada Muqdisho, ayaan wax war ah kasoo saarin dagaalladaas.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin