|
Georgi Kapchits oo fasiraya Ossetia
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa maanta isugu imanaya kulan degdeg ah oo ku saabsan dhibaatada ka aloosan
dalka Georgia.
Dalka Faransiiska oo hadda haya guddoomiyenimada midowga Yurub waxaa uu doonayaa in kulankaas lagu ansixiyo dadaalka nabadda ee Faransiisku bilaabay, lagana fiirsado in ciidan nabad ilaalineed loo diro gobolka colaaddu ka taagan tahay si loo xaqiijiyo xabbad joojin dhexmarta Ruush-ka iyo Georgia, loona ilaaliyo sahayda gargaarka bani'aadanimo. Madaxweynaha Faransiiska, Nikolas Sarkozy, shir jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta Georgia ee Tbilisi, waxaa uu ku dhawaaqay in mabda' ahaan uu heshiis ka xaqiijiyay labada dhinac hindiseyaal uu u gudbiyay kaddib maalin uu diplomacyad xoogle ka dhex waday. Dagaalka Ossetiyada koonfureed ee keenay inay ku dagaallamaan waddanka Ruushka iyo dalka Georgia ayaa haatan lagu heshiiyey in la joojiyo oo lagu kala noqdo soohdimihii dagaalka kahor la kala joogey. Haddaba Dr Georgi Kapchits waa aqoon yahan Ruush ah oo ka tirsan idaacadda radio Moscow, waxaanu ka mid yahay aqoonyahannada muddada dheer daraasad iyo cilmibaaris ku samaynayey af somaliga. Waxaana uu kaga waramayaa waresi aan la yeelanay arrimaha gobolladan la isku haysto ee Ossetiyada koonfureed iyo abkhazia iyo xiriirka ruushka iyo Georgia. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||