BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
12 Agoosto, 2008, 17:34 GMT; 20:34 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
IMC oo dardar galineysa howlaha samafalka Somalia
 

 
 
Hey'adda IMC ayaa dardar galineysa samafalka ay ka waddo Somalia
Hey'adda IMC ayaa dardar galineysa samafalka ay ka waddo Somalia
Hey'adda International Medical Corps, ama IMC, ayaa war-saxaafadeed ay Isniintii shalay aheyd soo saartay ku sheegtay inay dardar galineyso howlihii samafalka ee ay ka wadday gobolka Hiiraan iyo waliba gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.

Laakiin hey'addu waxay si gaar ah carrabka ugu dhufatay magaalada Beledweyn, oo ay sheegtay in awalba ay gargaarkeeda intiisa badan ka wadday.

Rachel Taylor waa Isu-duwaha howlaha hey'adda IMC ee Geeska iyo Koonfurta Afirica.

Waxey tiri xaaladda bani'aadannimo ee Soomaaliya waa mid kasii dareysay in muddo ah-ba. War-saxaafadeedkan aan soo saarneyna wuxuu si gaar ah u khuseeyaa magalaada Beledweyn oo ku taalla gobolka Hiiraan ee Bartamaha-Koonfureed ee Soomaaliya.

Waxeey intaas raacisay:

"laba toddobaad kahor, halkaas dirir ba'an ayaa ka dhacday, taas oo barakac ballaaran ku keentay dadkii Beledweyn hore u degganaa, iyo kuwa kusoo barakacay-ba. Ma heyno tirakoob rasmi ah oo lah tirada dadka ka barakacay Beledweyn, laakiin waxay kor u dhaafeysaa lixdan kun oo qof.

Sidaas darteed, mar walba oo aad aragtid barakac sidaas u baahsan, waxaad u baahan tahay inaad dhowr arrimoaad wax ka qabato, sida biyaha wasakhda ah iyo nadaafadda guud iyo waliba adeegyada aasaasiga ah, sida hooy iyo cunto.

Hey'adda IMC waxey si gaar ah u eegeysaa xagga caafimaadka, iyo qayb yar oo kamid ah biyaha iyo nadaafadda."

Xarumaha IMC ee Beldweyn

Hey'addu waxey sheegtay in agagaarka Beledweyn ay ku leedahay 25-goob caafimaad, oo ah goobo laga heli karo adeeg caafimaad oo aad u kooban, iyo hal xarun oo u qalabeysan howlaha umulinta iyo laba rug caafimaad oo loogu tala galay daryeelka haweenka uurka leh iyo carruurta.

Hey'dda ayaa sheegtay inay shaqaaleysiineyso kalkaaliyaal caafimaad oo goobahaas ka howlgala.

Goobahaas caafimaad ayay hey'addu sheegtay in midkiiba lagu daryeelo 150 bukaan maalin walba, iyadoo inta ugu badan bukaankaas ay yihiin carruur da'adoodu shan sano ka hooseyso, iyo dumar la il-daran cudurro kala geddisan, kuwaas oo inta badan ka dhasha biyaha aan nadiifka aheyn.

Biyo aan nadiif aheyn

Hey'addu waxay intaas ku dartay in dadka Beledweyn badankoodu ay cabbaan Wabiga Shebeelle ee dhex mara magaaladaas, kaasoo biyihiisa ay yihiin kuwa aan wasakhdii laga daaweyn.

Inkastoo aysan hey'adda IMC laheyn mashruuc si buuxda uga shaqeeya waskh-bixinta biyaha, haddana Isu-duwe Rachel Taylor waxay ii sheegtay inay bixiyaan qalab aasaasi ah oo biyaha loogu rogo kuwa la cabbi karo.

Ms. Taylor waxeey kaloo iiga warrantay cuduradda ugu badan ee lagu arko dadka ku barakacsan agagaarka Beledweyn.

Ms. Taylor waxay tir: "Waxaa ugu badan cudurrada shubanka, iyo infection-ka sambabaha ku dhaca iyo waliba Malariya-da. Waxaa kaloo jira dhowr kiis oo qarracan ama walbahaar xooggan ah, oo ka dhashay colaadda meesha ka jirta, laakiin ma badna."

Hey'adda IMC ayaa sheegtay in ammaan darrada ka jirta qaybo badan oo kamid ah Soomaaliya darteed ay shaqaaleheedu yihiin kuwa maxalli ah.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin