BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
06 Agoosto, 2008, 21:45 GMT; 00:45 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Canada oo ilaalineysa maraakiibta WFP
 

 
 
Canada ayaa saddex markab oo dagaal u direysa xeebaha Somalia
Canada ayaa saddex markab oo dagaal u direysa xeebaha Somalia
Afhayeenka hey'adda cuntada adduunka ee WFP, Cabdi Ibrahim Jamac ayaa aad usoo dhaweeyey go'aan ay Canada maraakiib dagaal ilaalo ah ugu direyso xeebaha Soomaaliya.

Go'aanka dowladda Canada ee ay ku sheegtay inay siinayso ilaalo maraakiibta u ijaaran hay'aada barnaamijka cunnada ee QM ee WFP ee cunnda gaarsiiya soomliya aya soo baxay laba bilood ka dib markii ay dowladdihii ilaalinayey maraakiibta oo ay ka mid ahayeen dowladda faransiiska, xukuumada Nethalands iyo Denmark ay joojiyeen khidmadaas.

Kaddibna, WFP waxay baaq u jeedinaysay waddamada horumaray inay dib u soo celiyaan ilaalinta marakiibta oo caqabada ugu wayn ee soo foodsaartay ay ahayd burcad badeeda oo bartilmaameed sada marakiibtan.

WFP ayaa soo dhowaysay go'aankan iaydoo afhayeenka WFP ee Somalia Cabdi Ibrahim Jamac uu BBC u sheegay in go'aankan yahay mid lagu farxayo.

Ku dhowaad boqolkiiba 90, WFP cunnada ay gaarsiiso somalia waxay u marsiisaa badda, laakinse haddana sannadooyinkii ugu dambeeyey badaha soomalia waxa ku batay burcad badeed-da kuwaas oo ka digay xeebaha soomalia kuwa ugu qatarsan dunida.

Sannadkii tagay ee 2007-da, waxa markii la isu geegeeyey ka dhacay xeebaha soomaliya 31 weerar oo ay gaysteen burcad badeeda, sannadkaas oo loo aqoonsaday in uu ahaa kii ugu xumaa marka la eego falka burcad badeeda ee somalia.

Haddii ilaalo loo waayo marakiibta cunnada geeya somalia, hay'adu, waxay sheegaysaa in ay qatar wayn soo food saarayso howgalkeeda.

WFP waxay sheegaysaa in tan iyo intii ay damaatay ilaalinta marakiibta dabayaaqadii bishii June ee sannadkan, in shirkadahii ka ijaari jirey maraakiibta ay diideen inay ka ijraan Marakiibtooda arintaas oo caqab wayn ku noqoto hay'adda .

WFP waxay sheegatay in si degdeg ah ugu baahantahay inay laba jabaarto cunnada ay garsiinayso soomalia bilooyinka soo socda oo haatan ay ka jirto xaalad bani'aadanimo oo ka dhalatay abaarta daba dheeraatay , colaadda ka sii darayso, iyo dallagii beeraha oo yaraaday iyo sidoo kale shillin soomaligii oo si aad u qiimo beelay.

Iyadoo islamarkaana soomalia laga dareemayo sicir barar xooggan oo saameeyey shidaalka iyo cunnada daruuriga ah.

Hay'aadu, sida ay sheegtay waxa uu bartilmaamaydkeedu yahay in ay cunno gaarsiiso ilaa 2.4 milyan oo qof meesha lagu gaaro dabayaaqada sannadkan.

Canada waa dowladda sedexaad ee taageerada ugu badan siisa howgalka WFP, iyadoo WFP-na Sheegtay inay rajaynayso in ay isa soo saari doonaan waddamo kale oo howshan kala wareega canada marka ay dhamayso howsheeda dhorwka todobaad ee soo socda.

Ilaa 6 marakiib oo u ijaarnayd WFP aya lagu weeraray xeebaha soomalia tan sannadkii 2005-ta, oo sedex ka mid aha la afduubay.

Go'aankan ka soo baxay canada waxa hubaal ah in uu yahay mid ay ku farxayaan kumnaanka kun ee soomalida ah ee cunnada gargaarka ah u baahan ee ku sugan gudaha soomalia.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin