BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
05 Agoosto, 2008, 21:01 GMT; 00:01 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Shaqaale Talyaani ah oo lasii daayey
 

 
 
Afduubka shaqaalaha samafalka oo sii kordhay
Afduubka shaqaalaha samafalka oo sii kordhay
Jolanda Occhipinti iyo Giuliano Paganini oo tan iyo bishii May u afduubnaa dabley Soomaali ah ayaa lasii daayey Galabtii Talaadada. Waxaa wali xiran shaqaale Soomaali ah.

Sii deynta labadan qof, oo u shaqeynayey hey'ad Talyaani ah oo samafal ah, laguna magacaabo CINS, waxaa BBC u xaqiijiyey wiil ay dhashay Jolanda, isagoo sheegay inuu hooyadiis kula hadlay taleefonka, muddo yar kaddib markii lasii daayey.

Labadan qof ayay dabley hubeysani ka afduubeen degmada Aw-Dheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, 21-kii bishii May ee sanadkan.

Lama hubo in lacag madax furasho ah la siiyey dableyda afduubka geysatay, sida wararka qaar ay sheegayaan. Ha yeeshee dowladda Talyaaniga ayaa beenisay taas.

Labadan dhibbane ayaa maanta loo duuliyey Kenya, iyagoo usii kicitimi doona dalka Talyaaniga.

Sarkaal wali la heysto

Waxaan lasii deyn sarkaal Soomaali ah, oo la yiraahdo Cabdiraxman Yusuf Caraale, oo u shaqeynayey isla hey'adda CINS. Sarkaalkaas ayaa lala afduubay labada Talyaaniga ah.

Ehelladiisa ayaa sheegay inuu Mr. Caraale xanuunsanaa waayadii dambe.

Shaqaalaha la heysto

Marka laga soo tago labada qof ee maanta lasii daayey, waxaan wali laga warheyn halka lagu heysto laba qof oo ajnabi ah, oo u kala dhashay Ingiriiska iyo Kenya, oo dabley hubeysani ay kal hore ka afduubeen gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale, waxaan laga warheyn halka lagu hayo lix shaqaale Soomaaliyeed oo iyana lagu heysto gudaha Soomaaliya.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin