BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
05 Agoosto, 2008, 15:46 GMT; 18:46 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ganacsiga: Xaaladda suuqa guryaha Mareykanka
 

 
 
us homes
Mid ka mid ah guryaha la beeciyay ah ee Mareykanka
Suuqa guryaha ee waddanka Maraykanka ayaa waxa uu ku jiraa xaalad aad u adag tan iyo intii Maraykanka dhaqaalihiisa uu hoos u dhacay sanadihii 1930 meeyadii.

Arintan ayaa ka bilaabmatay markii bangiyada iyo shirkadaha daynta bixiya ay daymo siiyeen dad aan iska bixin karin daynta markii ay ribada ama dulsaarku kor u kacay taas ayaa keentay in guryo badan suuqa ku soo noqdaan oo qiimihii hoos u dhacaan.

Todobaadkan Madaxweyne Bush ayaa la sugayaa inuu saxiixo sharci ay dowlada ku caawinayso dadka guryaha daynta ku qaatay si aysan guryahoodii u waayinoo uusan bangiga ula wareegin markay daynta bixin waayaan.sharcigaan ayaa waxaa ka mid ah in dadka daymaha haysto la siiyo dayn aan dulsaarkeeda ama ribadeeda badnayn.

Laakiin wariyaha BBC-da Michael Robinson ayaa wuxuu ka waramayaa sharciga Maraykanka ee aan aad loo ogayn oo qof isagoon dhibaato dhaqaale haysan uu gurigiisa iskaga dhaqaaqi karo , si uu abngiga ula wareego guriga , sababtoo ah gurigii uu qofka shanta boqol oo kun ku gatay ayaa hada jooga kala bar,arintan ayaa keenaysa in suuqii ay guryaha ku sii bataan oo ay sii raqisaan. Michael Robinson ayaa ka hadalaya.

 
 
WARARKA LA XIRIIRA
Barnaamijka Ganacsiga
23 Juun, 2008 | Wararka
Barnaamijka Ganacsiga
03 Juun, 2008 | Wararka
Ka ganacsiga shidaalka ee Bariga Africa
27 Maarso, 2008 | Wararka
Ganacsiga Kalluunka
19 Maarso, 2008 | Wararka
Barnaamijka Ganacsiga
28 Februweri, 2008 | Wararka
Barnaamijka Ganacsiga
04 Juun, 2008 | Wararka
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin