http://www.bbcsomali.com

22 Julaay, 2008, 12:51 GMT; 15:51 SGA

Maxamed Maxamud Dhoorre
BBCSomali.com

Xaaladda degmada Afgooye oo kacsan

Xiisad xoogle ayaa ka taagan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose kaddib markii ay halkaas tageen ciidan cusub ee dowladda ku meel gaarka oo laga keenay dalka Ethiopia.

Warbixinta

Is-rasaaseyn ka dhacday degmada Afgooye ayaa la sheegay inay ku dhinteen saddex ka mid ah ciidanka dowladda, oo isugu jira ciidanka cusub ee lagu soo tababaray dalka Ethiopia iyo kuwii halkaas hore u joogay.

Xasaradahan ayaa ka dhashay kaddib markii ay ciidankaas dad kasoo qabqabteen meelo kala duwan oo ku yaalla gobollada Shabeellada Hoose.

Ciidanka la weeraray ayaa ah kuwa dhawaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya, laguna xoojinayey ciidanka dowladda KMG ee Soomaaliya.