21 Julaay, 2008, 23:21 GMT; 02:21 SGA
Yusuf Xasan
BBCSomali.com
Guddoomiyaha Barlamaanka Sh. Aadan Madoobe ayaa BBC uga warramay socdaal u ku joogo dalka Kenya, iyo mid laga yaabo inuu ku aado dalka Boqortooyada Sucuudiga.
Madoobe ayaa sheegay in socdaalka oo imminka ku joogo Nairobi uu la xiriiro arrimo ku saabsan Golaha Barlamaanka Soomaaliya. Wuxuuse intaas raaciyey in laga yaabo inuu usii gudbo Boqortooyada Sucuudiga, halkaas oo sida uu sheegay uu marti-qaad ka helay guddoomiyaha barlamaanka ee dalkaas.
Mushaarka barlamaanka
Sh. Madoobe ayaa sheegay in arrinta ugu muhiimsan socdaalkiisa Nairobi ay tahay mushaarka la siiyo xubanaha baarlamaanka Soomaaliya, maadaama buu yiri uusan dalku wali isku filnaan.
Wuxuu kaloo deeq bixiyayaasha kala hadlayaa mushaarka shaqaalaha dowladda.
La xisaabtanka xukuumadda
Sh. Madoobe ayaa qiray inay jiraan dhaqdhaqaaqyo ku saabsan la xisaabtan uu golaha barlamaanku la yeelanayo xukuumadda ra'iisul wasaare Nuur Cadde. Wuxuu sheegay howshaas inay qeyb ka tahay masuuliyadda saaran barlamaanka.
Wuxuu intaas ku daray in golihiisu uu "toosin u joogo," balse haddii loo baahdo uu la xisaabtami doono xukuumadda.
Heshiiska Djibouti
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhanka dowladda KMG ay fulin doonaan heshiiskii Djibouti, inkastoo buu yiri ay jiraan qaar kamid ah mucaaradka oo wali xabbadda wada.