17 Julaay, 2008, 22:50 GMT; 01:50 SGA
Maxamed Xaaji Xuseen
BBCSomali.com
Madaxweynaha Kililka Shanaad ee dalka Itoobiya, Cabdullahi Xasan ayaa iska fogeeyey eedeymo xagga xuquuqda aadanaha ah oo maamulkiisa loo soo jeediyey.
Hey'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa warbixin sawirro wadata oo ay dhawaan soo bandhigtay ku sheegtay in maamulka gobolka Soomaalida iyo dowladda dhexe ee Itoobiya oo iskaashanaya, ay xadgudubyo baahsan oo ka dhan xuquuqda aadanaha u geysteen dad rayid ah.
Gabood-falladaas waxaa kamid ah tuulooyin gabi ahaanba la gubay, sida uu muujiyey sawirro xagga Satellite-ka ah oo laga qaaday gobollada Soomaalida.
Madaxweyne Cabdullahi Xasan ayaa eedeymahaas ku sheegay kuwa siyaasadeysan, isagoo ku dooday in maamulkiisu uu u taagan yahay maamul-wanaag, karti iyo hufnaan.
Laakiin madaxweynaha ayaa sheegay in maamulkiisa iyo dowladda dhexe eey Itoobiya ay ka go'an tahay iney cirib-tiraan jabhadda ONLF, oo uu ku sifeeyey iney tahay mid argagixiso ah.
Mar la weydiiyey xarigga dad kasoo jeeda gobolka oo heysta dhalashooyin reer galbeed ah oo ku xiran dalka Itoobiya, ayuu madaxweynuhu sheegay in argagixisadu ay soo qaadan karto aqoonsiyo kala duwan, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya ayuu madaxweynuhu siiyey BBC, isagoo ku sugan dalka Itoobiya.