http://www.bbcsomali.com

08 Julaay, 2008, 14:04 GMT; 17:04 SGA

Weerar lagu qaaday Baydhabo

Hal askari oo ka tirsan ciidamada dawladda kmg ah ayaa lagu dilay weerar ay xalay ku qaadeen meelo ka mid ah magaalada baydhabo xoogaga kacdoonka wada ee Islaamiyiinta.

Warbixinta Baydhabo

goobaha la sheegay in la weeraray waxaa ka mid ah xarunta madaxtooyada, Airport magaalada, sida uu leeyahay wariyaha BBCda M I Moallimo waa markii u horeysay oo weerar kan oo kale ah lagu qaado airport iyo madaxtooyada baydhabo.

Weeraradan soo badanaya ayaa ku soo aaday iyadoo xabad joojin lagu saxiixay Djibouti.