http://www.bbcsomali.com

02 Julaay, 2008, 18:13 GMT; 21:13 SGA

Maxamed Maxmuud Cadde
BBC London

Isbitaallada Muqdisho oo la ciir-ciiraya bukaan

Isbitaallada Muqdisho ayaa la ciirciiraya dhaawacyada dadka rayidka ah. 19 qof oo ay carruuri ku jirto ayaa la geeyey Isbitaal Madiina shalay. Gabar 2 jir ah ayaa u dhimatay dhaawac soo gaaray.

Wareysiga Dahir-Dheere

Ugu yaraan 11 qof oo kamid ah dadkaas ayaa la il-daran dhaawacyo halis ah. Qaar ayaa la qalay, qaar kalena baxnaano ayeey ku jiraan.

Sida uu BBC u xaqiijiyey Dahir Maxamed Maxamud (Dahir Dheere), oo ah agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madiina, goobaha caafimaadka ee Muqdisho, oo awalba tayo ahaan liitay, ayaa waxaa hadda buux-dhaafiyey dadka rayidka ah ee ku waxyeelloobay dagaallada soo noqnoqonaya ee ka socda caasimadda Muqdisho.

Dahir Dheere ayaa sheegay in taageero xagga daawada ah ay ka helaan hey'adda samafalka ee ICRC. Wuxuu kaloo sheegay in qaraabada iyo ehellada dadka dhaawacmay ay ku deeqaan dhiigga lagu shubayo dadka dhaawacmay.

Caqabado

Caqabadaha ugu waaweyn ee mararka qaarkood ka hor yimaadda habsami u socodka howlaha caafimaadka ayaa ah in dagaalladu ay adkeeyaan isu-socodka gaadiidka iyo dadka Muqdisho.

Arrintaas ayaa sida uu sheegayo Dahir Dheere sababta in shaqaalaha caafimaadku ay marmar soo gaari waayaan isbitaalka. Balse wuxuu intaas raaciyey inuu u mahad-celinayo shacabka Muqdisho, oo uu sheegay inay aadu soo dhaweeyaan howlaha isbitaalka Madiina.