|
Sh. Aweys: Waa la eryey laba Shariif
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Sh. Xasan Dahir Aweys, oo ay garab kamid ah Isbaheysiga Dibu Xoreynta u magacaabeen guddoomiye, ayaa BBC u sheegay in Sh.
Shariif Sh. Axmed iyo Shariif Xasan ay iskood uga tageen Isbaheysiga iyo saldhiggiisii Asmara.
Sh. Aweys, oo imminka ku sugan caasimadda Eritrea ee Asmara, ayaa wareysi dheer oo uu BBC siiyey ku sheegay in shirkii Yemen uu ahaa rajadii ugu dambeysay ee la doonayey in la'isugu soo dhaweeyo labada dhinac ee Isbaheysiga, balse uu shirkaas burburay, kaddib markii ay dhanka Djibouti ay si iskood ah u ansixiyeen heshiiskii Djibouti. Kooram la'aan Mar Sh. Aweys la weydiiyey sida isagoon heysan kooram buuxa oo ay ku dhan yihiin inta badan golaha dhexe ee Isbaheysiga uu xilka uga qaadi karo labadii masuul, ayuu sheegay in meelo badan wax iska buuxinayaan.
"Nidaamku meelo badan ayuu iska buuxinayaa," ayuu ku celceliyey Sh. Aweys, oo aan sii faahfaahin halka uu iska buuxinayo nidaamku. Sh. Aweys ayaa qiray in khilaafka ku dhex jira Isbaheysiga uu sii wiiqayo tabartii ay lahaayeen. Bixidda Itoobiya Mar la weydiiyey waxa uu ku diiddan yahay nabadda ay raadinayaan Sh. Shariif iyo Shariif Xasan ayuu sheegay in waxa ay saxiixeen uu yahay wax liita. Wuxuu intaas raaciyey in Qaramda Midoobay iyo Dowladda KMG ay doonayaan inay Itoobiya baxdo iyadoo sharaf leh, iyaguna ay doonayaan inay xoog ku baxdo, oo iyadoo dambiile dagaal ah ay dalka ka baxdo Qoshaha Sh. Aweys Mar la waydiiyey wax auu yahay qorshaha uu imminka damacsan yahay, ayuu Sh. Aweys sheegay inuu yahay kii ay ka tageen raggii asxaabtiisa ahaa, oo uu ku sheegay inuu yahay xoreynta dalka. Wuxuu labada Shariif ku eedeeyey iney iyagu isaga baxeen axdigii iyo qorshihii u degsanaa Isbaheysiga. 'Heshiisku waa dulli' Sh. Aweys ayaa sheegay inuu Sh. Shariif u sheegay in heshiiska Djibouti uu yahay tallaabo tijaabo ah, oo lagu tijaabinayo bal inuu miro-dhal noqdo. Taas ayuu Sh. Aweys ku sifeeyey mid aan u cuntami karin isaga.
Sh. Aweys ayaa intaas raaciyey in "[heshiisku] uu kulligiis u muuqdo mid dulli ah, sida runta ah, oo aannaan ku aqoon itifaaqiyaadka adduunka. Sidaas darteed, ummadda meel mugdi ah ma galin karno." Sh. Awes waxa uu sheegay in loo baahan yahay "dad dariiqa toosan ku taagan, oo hadhow loo soo aayo, oo loo soo noqdo." Sh. Shariif oo jawaabay
Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa isna wakaaladaha wararka u sheegay in tallaabada ay ku dhaqaaqeen bahdiisii hore ee Asmara ay tahay mid wax kama jiraan ah, maadaama aysan heysan kooram ku filan, golihii dhexena uu imminka fadhiyo dalka Djibouti. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||