BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
23 Julaay, 2008, 17:26 GMT; 20:26 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Golaha Ammaanka oo ka shiraya Somalia
 

 
 
Golaha Ammaanka ayaa ka shiraya arrimaha Soomaaliya
Golaha Ammaanka ayaa ka shiraya arrimaha Soomaaliya
Golaha Ammaanka ee Qarmada Midoobay ayaa maanta leh kalfadhi ku saabsan arrimaha Soomaaliya oo ay markii ugu horreysay joogaan xubno matalaya dowladda KMG iyo Isbheysiga Dibu-Xoreynta Soomaaliya.

Fadhigan uu Golaha Ammaanku ka yeelanayo xaaladda soomaaliya ayaa ugu horreynba waxaa lagu dhagaysanayaa warbixin uu xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon uu kaga warramayo xaalada Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, ammaanka, xuquuqda aadamaha iyo marxaladda gargaarka bini'aadnimada.

Warbixinta xoghayha guud ee QM oo uu golaha u soo jeedin doono wakiilkiisa gaarka ah ee soomaaliya Axmed Walad-Cabdalla, ayaa ugu horreynba waxaa diiradda lagu saarayaa halka ay marayaan wadahadallada nabadadeed ee u socda dhinacayada iskaga soo horjeeda siyaasadda dalka Soomaaliya, ee uu dhexdhexaadinayo xafiiska QM u qaalbilsan arrimaha siyaadeed ee Soomaaliya.

Sidaasi oo kalana waxaa la filayaa in kulankan sawir cad lagaga bixiyo heerka ay taagan yihiin xaaladaha ammaanka iyo bin'aadnimo ee ka sii daraya tan iyo intii ay dhinacyadani heshiiska nabadeed ku gaadheen dalka Djibouti .

Ka skoow xubnaha Golaha Ammaaka ee QM waxaa iyaguna markii ugu horreysay fadhiga si wadajir aj uga ka qayb qaadanaya wufuud ka kala socata dawladda KMG ah iyo Isbahaysoga Dib u Xoreynta Soomaaliya, oo sida ay ii sheegeen halkaasi ku soo gudbinaya farriimo ku saabsan sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda cakiran ee Soomaaliya, iyo sidii looga miro-dhalin lahaa heshiiskii nabadda ee Djibouti.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda KMG ah, Cali Axmed Jaamac (Jangali)ayaa hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya.

Xubnaha Isbahaysiga Dib u Xoraynta ee ka qayb galaha fadhiga ayaa waxaa horkacaya Prof. Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi).

Farriimaha iyo codsiyada ay wadaan dhinacyada wufuudda Soomaalida, uma badna in Golaha Ammaanku uu go’aan kama danbays ah kaga gaaro shirkan maanta oo kaliya.

Laakiin waxaa muuqata in Golaha Ammaanka ee QM uu si isa soo taraysa u dardar galinayo arrimaha Soomaaliya, iyada oo uu bilihii u danbeeyayna soo saarayey qaraarro isdaba socday oo u gogol xaaraya sidii Somaaliya xal loogu heli lahaa.

Hasa ahaatee daka siyaasdda u dhuun duleelaa waxa ay sheegayaan in xal dhaba oo loo helo dhibaatada Soomaaliya uu ugu danbaynta ku jiro gacmaha dadka Soomaaliyeed.

Dadaal kasta oo ay beesha caalamku bixisana uu noqonayo hal bacaad lagu lisay haddii aanay Soomaalidu si dhab ah ugu soo jeesan samatabixinta dalkooda.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin