|
Kenya: Ardayda oo rabshado sameeyey
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Mudhaaharaadyo wata rabshado oo ay samaynayeen ardayada wax ka dhigata qaar ka mid ah dhugsiyadda sare ee dalka kenya aya
todoobadka noqday kuwa hareeyey qalabka warbaahinta dalkaasi gaar ahaan telefishanadda .
Boqollaal arday ah ayaa waxay ku dhaqaaqeen mudhaharaadyo iyagoo qaarkoodna dab qabadsiiyey qolalka jiifka ee dugsiyyada sida ka dhacdayba habeenimadii Axadda dugsi ku yaalla magaalada Nairobi oo uu ku dhintey hal arday. Waxa la aaminsanhay in mid ka mid aha ardayda dugsigaasi uu falkaasi gaystay iyagoo xilligaasiina ardaydu ay jiifeen. Guud ahaan waddanka waxay mudhaaharaadyo si xiriir ah u dhacayey saameyeen in ka badan 200 dugsi tan iyo intii dib loo furay dugsiyada bishii shannaad, waxaana ugu yaraan albaabada loo laabay 50 dugsi, ardaydii dhiganaysayna lagu amary inay galbadaan. Amuurtani waxay horseedday in su'aalo la iska waydiiyo xaaladda ardyada dhigata dugsiyadda sare iyo waliba maamulka dugsiyada. Wasiirka wax barashada Sam Ongeri aya barlamaanka u soo bandhigay warbixin ay diyaariyeen guddi uu u saaray in arintaas uu soo baaro. Wasiirku waxa uu sheegay in aan dhul qaadan doonin ardayda ku tallaabsatay rabshadaha waxa uuna amar ku siiyey maamulayaasha dhugsiyadda sare inay baaraan ardayda booliskana gacanta u geliyaan kuwa falalkaasi gaystay. Mamnuuca telefoonada mobilka Wasiirku waxa uu sidoo kale ardayda ka mamanuucay isticmaalka telefoonka gacanta lagu qaata ee Mobilka oo uu sheegay in ardayda ay isugu gudbiyaan warar wax kama jiraan ah oo kicinaya xiisad aan loo bahnayn. Sidoo kale waxa uu sheegay in ardaydu ay moobillada u isticmalaan qorsheynta mudaharaadyada iyo rabshadaha. Isticmaalka mukhaadaraadka Wasiirka waxbarashada Sam Ongeri waxa uu isla markaasi sheegay in sababaha ay ardaydu ugu dhaqaaqeen rabshaha ay ka mid yihiin isticmaalka mukahadaraadka oo ku badanya dugsiyada, ammurtaasi oo ka qaadaysa ardayda aadaabta. Hasayeshe khubarada waxbarashada qarkood ayaa aaminsan in tallabada ugu muhiimsan ay tahay in dib loo soo celiyo garaaca ardayda oo macaliimta laga mamnuucay shan sano ka hor. Waxay ku doodayaan in ardayda ay faraha ka baxeen tan iyo intii la ansixiyey sharciga dhallaanka ayna ku adkaatay macallimiinta iyo maamulayaasha dugsiyada inay xakameyaan ardayda oo edbiyaan ardayda. Waxa weli dhagaha shacabaka iyo waalidiin badan ka shaqanqaraya qasaairihii naf iyo maalba ahaa ee ka dhashay 2001 markii in ka badan 50 arday oo dhiganayey dugsi ku yaalla magaalada Machakos ee gobolka bari ay ku geeriyoodeen dab la qabsiiyey qolallki jiifka ee dugsiga. Waxaana ka ka horreeyey dab sidoo kale oo la qabadsiiyey dugsi hablaha ay dhiganayeen oo ku yaalla magaalada Mombassa ee gobolka xeebta kuna dhinteen in ka badan 20 arday. Inkastoo dhacdooyinkaasi ka dib loo saaray guddiyo soo baara taloyinkoodana ay dowladdu u gudbiyeen, haddana ma lahan cid ku tallaaba qaaday fulinta tallooyinkaasi. Weli ma cadda in dib loo furi doono dugsiyadda albaabada loo xiray, iyadoo ay laba toddobaad keliya ay ka harsantahay xilligii ay fasaxa labaad geli lahayeen ardayda |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||