|
Baydhabo: xildhibaan lagu weerary gurigiisa
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Rag hubeysan ayaa habeenkii Axadda gurigiiisa ku weerary Ibrahim Cabdinur, oo kamid ah xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya
ee saldhiggiisu yahay magaalada Baydhabo.
Xildhibaanka ayaa BBC u sheegay in saqdii dhexe habeenkii Axadda uu kusoo toosay baasuuke lala beegsaday albaabka gurigiisa, iyo garneyllo lagu soo tuuray gudaha gurigiisa. Wuxuu sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay ku dhawaaqayeen ereyo ay kamid yihiin "Allahu Akbar." Dableydan ayuu xildhibaanku ku sheegay kuwii awalba xasaradaha ka waday dalka, oo diinta sheegta. Wuxuu intaas ku daray in ilaaladiisu ay si wanaagsan isaga difaaceen weerarkaas, oo saacad socday, dhowr goorna ay soo laabteen kuwii weerarka soo qaaday. Wax khasaara ah lama sheegin dhanka xildhibaanka, inkastoo uu isagu sheegtay in dhankiisa ay dileen laba kamid ah kuwii weerarka soo qaaday, laba kalena ay dhaawaceen. Xildhibaanka ayaa sheegay in hal gaari oo kamid ah saddex guriga u taallay uu firir soo gaaray, gurigana uu xoogaa khasaare ah soo gaaray. Is-casilid Qansaxdheere Dhanka kale, maamulkii degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay, oo ka koobnaa 17 qof, ayaa BBC lasoo xiriiray, iyagoo sheegay inay gabi ahaanba iska casileen howshii ay dowladda KMG ah u hayeen. Isaaq Aadan Amiin (Shaam Shaam), guddoomiyaha degmadaas ayaa sheegay iney isku casileen, kaddib markii ay abaaro badan, iyo nabaad-guur uu lasoo darsay deegaanka, iyaguna ay waxba u qaban kari waayaan dadka degmadaas. Ha yeeshee dad degmadaas deggan ayaa BBC u sheegay in is-casiliddu ay la xiriirto cabsi xagga ammaanka ah. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||