|
Macallin lagu dilay Gaalkacyo
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Ciise Xabbad Calasow oo bare ka ahaa dugsiga sare ee Cumar Samatar ayaa la aasay kaddib markii ay dabley kala baxday gurigiisa
Jimcihii. Dilka ayaa qeyb ka ah dilal hore.
Marxuumka, oo sidoo kale macallin ka ahaa machad la yiraahdo Simba, ayaa meydkiisa laga helay duleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo. Geerida marxuumka waxaa BBC u xaqiijiyey Maxamed Cali Xabbad oo ah wiil uu adeer u yahay. Wiilkan ayaa sheegay in rag hubeysan oo tuuto labisan ay gurigiisa kala baxeen habeenkii Jimcaha. Wuxuu intaas raaciyey in maalintii Sabtida loo soo sheegay in marxuumka meel lagu hayo, isla markaana loo soo qaado joodarigiisa. Laakiin wuxuu intaas ku daray in markii dambe ay heleen maydkiisa oo xabbado fara badan lagu toogtay. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Dahir C/qadir Axmed ayaa sheegay in maamulkiisa uu baaritaan ku sameyn doonaan. Xarunta xuquuqda aadanaha ee Cabdullahi Ciise ayaa sidoo kale cambaareysay dilka marxuumka. Dilalka ayaa kusoo badanaya magaalada Gaalkacyo, oo ka wada taliyaan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug. Lama yaqaanno illaa haatan cidda ka dambeysa. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||