BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
20 Julaay, 2008, 21:22 GMT; 00:22 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ganacsade xoolo oo lagu xiray Hargeysa
 

 
 
Muran ayaa ka dhashay ganacsiga xoolaha Somaliland
Muran ayaa ka dhashay ganacsiga xoolaha Somaliland
Guddoomiyaha ganacsatada xoolaha ee Somaliland, C/llahi Max'ed C/raxman ayaa lagu xiray Hargeysa, markii uu iska diiday heshiis ay dowladdu la gashay ganacsade Sucuudi ah.

Maamulka Somaliland ayaa kal hore heshiis ku saabsan ganacsiga xoolaha la galay ganacsade Sucuudi ah oo la yiraahdo Suleyman Al-Jaabiri, kaas oo dowladda kula heshiiyey inuu qiimo go'an uga iibsado neefkii ariga ah.

Mas'uulka la xiray oo sidoo kale ahaa guddoomiye ku xigeenka xisbiga talada haya ee Udub ee gobolka Togdheer, ayaa laga qabtay hoteel uu ka deggenaa magaalada Hargeysa.

Waxaa la sheegay in su'aalo lagu waydiinayo xarunta dambi baarista ee Hargeysa. Dowladda Somaliland ayaan wax war ah kasoo saarin xariggaas.

Ha yeeshee guddoomiye ku xigeenka ganacsatada diiddan heshiiska dowladda, Xuseen Max'ed Cawaale (Gacmadheere) ayaa xarigga ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Sicir goyn

Maamulka Somaliland ayaa wareegto uu soo saaray toddobaadkii hore ku sheegay in ganacsadihii doonaya inuu xoolo u dhoofiyo Sucuudiga ay tahay inuu sii marsiiyo ganacsade Al-Jaabiri, qiimahana uu noqon doono mid go'an oo ah $42 (afartan iyo laba doollar).

Gacmadheere ayaa sheegay in xarigga guddoomiyohooda uusan hakin doonin ganacsiga xorta ah ee ay xoolaha ugu dhoofinayaan Sucuudiga. Wuxuuna sheegay iney haddaba ari badan u dhaadhiciyeen dekedda Berbera.

Cambaareyn

Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa xarigga masuulka ku sifeeyey mid cabburin ah iyo ku tumasho xeerarka suuqa xorta ah ee Somaliland u yaalla. Xoghayaha dhaqaalaha Max'ed Cabdi Iskeerse ayaa soo jeediyey in ninka xiran si degdeg ah loo soo daayo.

Dhanka kale, xisbiga kale ee mucaaradka ah ee Ucid, ayaa isna sidoo kale cambaareeyey xariggan. Feysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbigaas, ayaa ku sifeeyey xarigga cagajugleyn iyo kaligii taliyanimo.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin