BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
20 Julaay, 2008, 21:49 GMT; 00:49 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Puntland oo ka jawaabtay warbixintii QM
 

 
 
Maamulka Puntland ayaa dafiray in amnigu uu faraha ka baxay
Maamulka Puntland ayaa dafiray in amnigu uu faraha ka baxay
Maamulka Puntland ayaa iska diiday warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in amniga Puntland uu faraha kasii baxayo, xilli ay bateen falalka burcadda.

Warbixintaas ayaa lagu sheegay in colaadaha ka jira Laasacaanood, iyo mushaar la'aan ba'an oo booliiska Puntland lasoo daristay, ayaa sida warbixinta ku qoran waxey horseedeen sare u kaca falalka burcad-badeedda, iyo afduubka ajaanibta.

Duruufahaas ayaa QM ku khasbay in cabbirka ammaanka ee Puntland laga dhigo tirsiga afaraad, marka la eego halbeegga QM, iyadoo hoos looga soo dhigay tirisiga saddexaad.

Taas waxaa ka dhalaneysa in shaqaalaha degdegta ah mooyee aysan kuwa kale tagi karin deegaannada Puntland.

Wriyaha BBC ee Garoowe, Axmed Kismaayo, ayaa waraysi arrintaas ku saabsan la yeeshay wasiirka warfaafinta Puntland C/raxmaan Max’ed Saalax.

Wasiirka ayaa iska warbixintaas ku sheegay mid marin habaabin ah, isagoo sheegay in Puntland uu yahay deegaanka kaliya ee xasilloon Soomaaliya oo dhan.

Wuxuuse wasiirku qirtay inay jirto dhaqaale xumo, wuxuuna Qaramada Midoobay ka codsaday in la kaalmeeyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale qirtay in falal burcad-badeed ah oo badan ay aafeynayaan deegaannada Puntland, balse wuxuu sheegay in baaxadda xeebaha ay ka tan badan yihiin ilaalinta xeebahaas.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin