BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
20 Julaay, 2008, 06:35 GMT; 09:35 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Kenya: Hub laga keensaday Somalia
 

 
 
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hub sharci darro ah laga keensaday Somalia
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hub sharci darro ah laga keensaday Somalia
Dowladda Kenya ayaan ka jawaabin eedeymo ka yimid QM oo ku saabsan hub sharci darro ah oo laga soo iibsaday Muqdisho, loona isticmaalay rabshadihii doorashooyinka.

Warbixin ay saddex bilood kahor soo saareen ayaa lagu sheegay in dad u dhashay dalka Kenya ay hub fara badan kasoo galiyeen dhanka Soomaaliya, oo aan laheyn dowlad dhexe muddo 18 sano ah.

Sida warbixinta ku xusan, hubkan waxaa intiisa badan lasoo galiyey intii ay socdeen rabshadihii ka dhashay doorashooyinkii Kenya, gaar ahaan intii u dhaxeysay bilihii January iyo February ee sanadkan.

Hubka waxaa la sheegay in laga soo iibsaday magaalada Muqdisho, lana soo marsiiyey gobolka Soomaalidu ey degto ee Woqooyi Bari.

Inkastoo aysan kala caddeyn halka uu hubkaas ku dambeeyo, haddana wuxuu isugu jiray qoryo AK47 ah, bastoolado iyo rasaas.

Shixnad kamid ah hubkan waxaa keensaday malleeshiyo ka dagaallanta dalka Kenya.

Kenya waxeey Soomaaliya la wadaagtaa soohdin aad u dheer, oo ay adag tahay in la wada ilaaliyo. Kenya ayaa mar walba sheegta in hubka shari darrada ah uu kasoo galo dhanka Soomaaliya.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin