BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
20 Julaay, 2008, 05:42 GMT; 08:42 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Guri ay leedahay Somalia oo dayacan
 

 
 
Guriga ay Soomaaliya leedahay
Guriga ay Soomaaliya leedahay ayay dayactir la'aan heysataa
Guryaha ku yaalla xaafadaha hodanka ah ee Mareykanka markii ay dayactir la'aan la duugoobaan, darisku waxay isweydiiyaan tolow gurigan ma qoyskii degganaa ayaa furriin ku kala tagay, mise dad waayeel ah oo aan itaal laheyn ayaa deggan, mise gurigan dhaxal la'aan ayaa laga dhintay?

Su'aalahaas waxaa sanadahan is-weydiinayey dadka dariska la ah guri ay leedahay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Gurigu wuxuu ku yaallaa xaafadda New Rochelle ee duleedka magaalada New York.

Dayactir la'aan

Daaqadaha gurigan ayaa burburay. Rinjigiina wuu kasii fuqayaa. Saqafkiina wuu daxaleystay. Caws iyo dhir kale ayaana isku dahaaray halka laga galo gurigaas.

Sanadihii siddeetameeyadii ayeey dowladdii Soomaaliya iibsatay gurigaas, iyadoo ugu tala gashay inuu ku noolaado danjiraha u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Markii ay dowladdaasi burburtay 17-sano kahor, guriga waxaa muddo deganeyd haweeney Soomaali ah oo ka tirsaneyd diblomaasiyiintii ka howl-gali jirtay xarunta QM.

Yaa ku noolaan jiray guriga?

Dariska ayaa wargeyska The New York Times u sheegay in markii ugu dambeysay ee ay arkaan qof halkaas deggan ay aheyd shan sano kahor.

Qofkaasi wuxuu ahaa Axmed Xaashi (Xasharo) oo halkaas danjire uga ahaa dowladdii Carta. Qoyskiisa ayuu gurigaas mar soo dajiyey, laakiin markii dambe wuu ka raray, markii uu gurigu noqday meel aan lagu noolaan karin, isaguna uu u waayey kharash uu guriga ku dayactiro.

Waxaa waagaas guriga dhinac ka degganaa Ciid Beddel, oo hadda ah ku xigeenka danjiraha Soomaaliya u fadhiya QM.

Muran ku saabsan lacag

Wuxuu Ciid sheegay inay lacag badan ku leeyihiin dowladda Mareykanka.

Lacagtaas waxay ka timid gurigii safaaradda u ahaa Soomaaliya oo ku yaallay Washington, kaas oo ay dowladda Mareykanku xaraashtay kaddib markii ay burburtay dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Dowladda Mareykanku ma diidana in gurigaasi uu hanti u ahaa dowladda Soomaaliya, ha yeeshee waxey dooneysaa inay lacagtaas celiso markii ay Soomaaliya ka dhalato dowlad ay Mareykanku rasmi ahaan u aqoonsan yihiin.

Ciid Beddel wuxuu kaloo sheegay in dowladdiisu aysan hadda kharash u heyn gurigaas dayacan ee New York ku yaalla. Isaga iyo shan qof oo kale oo ka tirsan ergada dowladda KMG ah u fadhida QM waxeey deggan yihiin guryo kiro ah.

Laakiin nasiib wanaag waxeey ka howlgalaan xafiis ay leedahay Soomaaliya oo ay dayactiraan.

Sarkaal ka tirsan ergada Mareykanka u fadhida New York ayaa wargeyska u sheegay in dowladda Soomaaliya laga doonayo ineey gurigeeda ku yaalla New York dayac-tirato, ama ay iska iibiso.

Haddii taas la waayo, dariska xaafadda New Rochelle waxay ku khasban yihiin ineey il-xumo ku eegaan guriga duugoobay, inta laga helayo dowlad Soomaaliyeed oo tabar u heysa.

Duqa magaaladaasna wuxuuba dariska mar kula kaftamay ineey mala'awalaan danjiraha Mareykanka u fadhiya QM, oo la hadlaya kuwa Africa ee guryoodu ku dayacan yihiin xaafaddaas, oo u sheegaya ineey dalalkooda xasiliyaan, guryohoodana dayactiraan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin