BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
19 Julaay, 2008, 02:13 GMT; 05:13 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ban Ki-moon oo ka hadlaya Somalia
 

 
 
Ban Ki-moon ayaa rajo ka muujiyey shirka Djibouti
Ban Ki-moon ayaa rajo ka muujiyey shirka Djibouti
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacada soo socota yeelanaya kalfadhi ku saabsan Soomaaliya, kaas oo warbixin looga dhageysanayo Xoghayaha Guud iyo ergeygiisa Soomaaliya.

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa heshay nuqul hordhac ah oo ah warbixinta uu Xoghayaha Guud halkaas kusoo gudbin doono.

Warbixinta uu Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-Moon soo jeedin doono maalinta Arbacada ah waa mid saddexdii bilood-ba mar laga diyaariyo xaaladda Soomaaliya.

Qodobbada warbixinta

Qodobbada lagu faaqiday warbixintan 18-ka bog ka kooban ayaa waxaa kamid ah: Marxaladda siyaasadeed ee uu dalka marayo, amuuraha ammaanka, dhaqaalaha, bani'aadannimada iyo xuquuqda aadanaha.

Dhanka siyaasadda ayeey warbixintu ka xustay heshiiskii Djibouti, oo ay ku sheegtay in, inkastoo aan wali la saxiixin, haddana uu ka dhashay kaddib markii ay DKMG ah soo bandhigtay istiraatiijiyad laba-geesood ah oo ku beegan dibu-heshiisiinta, iyo kaddib markii ay Isbaheysiga Dibu-Xoreyntu sheegeen in joogitaanka ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya uu yahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan iney qaataan hannaanka dibu-heshiisiinta.

Heshiisku rajo wanaagsan haba lahaadee Ban Ki-Moon wuxuu intaas raaciyey in dhinacyo uu ku sifeeyey kuwa xagjir ah ay illaa imminka kasoo horjeedaan heshiiskaas.

Wuxuu dhinacyadaas ka xusay kooxda Al-Shabaab, Sh. Xasan Daahir Aweys iyo Yusuf Indha-Cadde.

"caqabadda ugu weyn ee hadda na hortaalla waa sidii heshiiskaas lo fulin lahaa," ayuu yir Ban Ki-Moon, oo dhinacyada ugu baaqay in qodobbadiisa oo dhan ay raacaan, gaar ahaan xabbad joojinta iyo fududeynta gargaarka bani'aadannimo.

Xafiiska siyaasadda

Waxaa kaloo warbixinta ku xusan in xafiiska siyaasadda ee QM u qaabilsan Soomaaliya uu wali ka baaraan-dagayo sidii uu ugu guuri lahaa magaalada Muqdisho.

Xafiiskaas oo hadda fadhigiisu yahay Nairobi, ayaa sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee ka hortaagan guurista ay yihiin kuwa xagga ammaanka ah.

Wuxuuse xafiisku sheegay inuu ku howlan yahay sidii loo fulin lahaa qodobbada xagga ammaanka ah ee ku xusnaa heshiiska Djibouti.

Qodobbada uu xafiisku kasii baaraan-dagayo waxaa kamid ah dhisidda guddi isku dhaf ah oo xagga amaanka ah, iyo dhabba u sii xaaridda ciidamo caalami ah oo wax xasiliya.

Ciidamo caalami ah

Wuxu kalsoo xafiiska siyaasadda ee QM u qaabilsan Soomaaliya kasii baaraan dagayaa suurtagalnimada in ciidamo ka socda QM ay yimaaddaan Soomaaliya.

Laakiin kahor intii eysan taasi dhicin, warbixinta ayaa sheegaysa in loo baahan yahay hannaan siyaasadeed oo dhaxal-gal ah.

Waxaana kamid ah waxyaabaha heshiiska Djibouti dhaxal-gal ka dhigi kara in dhinacyadu ay xabbadda joojiyaan, isla markaana ay sii wadaan dardarta ka dhalatay heshiiskaas.

Haddii taas la waayo, Ban Ki-Moon ayaa caddeeyey iney aad u adkaan doonto in la helo ciidamo caalami ah oo beddela kuwa Itoobiya.

Haddiise taas la helo, Ban Ki-Moon wuxuu sheegay in bixitaanka ciidanka Itoobiya ay tijaabo muhiim ah u noqon doonto heshiiska Djibouti. Taasna waxaan uga fadhiyaa buu yiri dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Ciidanka AMISOM

Mar uu ka hadlayey ciidanka Midowga Africa ee AMISOM ee hadda ku sugan Muqdisho, Ban Ki-Moon wuxuu caddeeyey in tiradooda guud ay tahay 2,650, iyo in hal guuto oo dheeraad ah oo ka socota dalka Burundi ay dhawaan soo gaari doonto Muqdisho.

Howlaha samafalka iyo xuquuqda aadanaha

Dhanka howlaha samfalka, Ban Ki-Moon ayaa warbixintiisa ku sheegay in colaadaha iyo ugaarsiga shaqaalaha gargaarka ay curyaamiyeen howlahaas. Wuxuu intaas raaciyey inay sii xumaatay xaaladda dadka tabaaleysan.

Dhanka Xuquuqda aadanahana, Ban Ki-Moon wuxuu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay waxa uu ugu yeeray dhaqanka dambi-oogid la'aanta dhinacyada ku gabood fala xuquuqda aadanaha.

Wuxuu barlamaanka KMG ah ugu baaqay iney meel mariyaan sharciyada caalamiga ah, gaar ahaan kuwa badbaadinta maatada, si markaas dacwooyin loogu soo oogo xadgudbayaasha.

Somaliland

Marka laga soo tago koonfurta Soomaaliya, waxaa kaloo si kooban warbixinta ugu xusan in maamulka iyo axsaabta siyaasadeed ee Somaliland ay isla garteen in doorashada madaxweynanimo la qabto bisha shanaad ee sanadka soo socda.

Puntland

Sidoo kale, Puntland ayaa iyana la sheegay iney doorashooyin ka dhici doonaan bisha January ee 2009-ka. Waxaase warbixinta lagu xusay in ammaanka Puntland uu faraha kasii baxayo, taas oo ay ugu wacan tahay colaadaha ka jira Aagga Laasacaanood.

Colaadahaas iyo mushaar la'aan ba'an oo booliiska Puntland lasoo daristay, ayaa sida warbixinta ku qoran waxey horseedeen sare u kaca falalka burcad-badeedda, iyo afduubka ajaanibta.

Duruufahaas ayaa QM ku khasbay in cabbirka ammaanka ee Puntland laga dhigo tirsiga afaraad, marka la eego halbeegga QM, iyadoo hoos looga soo dhigay tirisiga saddexaad.

Taas waxaa ka dhalaneysa in shaqaalaha degdegta ah mooyee aysan kuwa kale tagi karin deegaannada Puntland.

Ugu dambeyntii, Ban Ki-Moon wuxuu ammaan u jeediyey wakiilkiisa , Axmedou Walad-Cabdalla, kaas oo uu sheegay inuu Soomaalida gudaha iyo kuwa dibadda-ba uu ku dhaliyey saansaan nabadeed.

 
 
BOGGAG AAN BBC AHAYN
BBC-du mas’uul kama aha wax aan ahayn boggeeda.
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin