BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
19 Julaay, 2008, 22:44 GMT; 01:44 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Isbaheysiga: Waan ansixinay heshiiska
 
Shariif Xasan Sh. Adan ayaa BBC uga warramay shirka Djibouti
Shariif Xasan Sh. Adan ayaa BBC uga warramay shirka Djibouti
Shirweyne ayaa Sabtidii Djibouti uga furmay golaha dhexe ee Isbaheysiga Dibu-Xoreynta Soomaaliya, iyagoo durba ansixiyey heshiiskii ay kal hore la galeen dowladda.

Shariif Xasan Sh. Aadan oo ah guddoomiyaha golaha dhexe ee Isbaheysiga, ayaa wareysii uu BBC siiyey ku sheegay in xubno ka badan 100 oo ka tirsan golaha dhexe ay muddo shan maalmood ah ku shirayaan dalka Djibouti.

Shariif Xasan ayaa intaas raaciyey inuu shirkani yahay mid hore u qoondeysnaa oo ay goluhu isugu iman lahaayeen. Balse wuxuu intaas raaciyey in fursaddan looga faa'iideysanayo in Isbaheysigu uu si rasmi ah u ansixiyo heshiiskii Djibouti.

Mar la weydiiyey khilaafka la sheegay inuu Isbaheysiga wali ku dhex jiro, Shariif Xasan ayaa sheegay iney ka mideysan yihiin in dalka Soomaaliya laga saaro ciidanka Itoobiya, arrintaas oo uu sheegay inay asal u aheyd heshiiskii Djibouti.

Shariif Xasan, oo ahaan jiray guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, kahor intii aanuu ku biirin mucaaradka, ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay taageeraan heshiiska ay Isbaheysiga iyo dowladda KMG ah gaareen.

Ansixinta hehsiiska Djibouti

Isbaheysga ayaa ku dhawaaqay in xubnaha kasoo qayb galay kalfadhi imminka ka socda Djibouti, oo tiradoodu aheyd 106 xubnood, ay aqlabiyad kuuxda ku ansixiyeen qodobbadii heshiiska Djibouti.

Sidaas waxaa BBC u xaqiijiyey Suleyman Colaad Rooble, oo ah madaxa warfaafinta ee Isbaheysiga.

Wuxuu intaas ku daray iney isku raaceen inaan waxba laga beddelin qodobbada, balse sida uu hadalka u dhigay xoogaa lagu noqdo luqadda uu ku qoran yahay heshiiskaas.

Mar la weydiiyey iney wax xiriir ah la sameeyeen garabka Asmara ayuu Mr. Rooble sheegay iney jiraan dad la hadlay, balse la isla gartay in heshiiska la meel mariyo.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin