|
Nelson Mandela oo 90 sano jirsaday
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Kowdii bishii febraayo sanadkii 1991-dii ma ahan maalin ay ilaawi karaan dad badan oo reer Koonfur afrika ah, waa maalinkii
Nelson Mandela laga soo daayay xabsigii uu ku jirtay 27-ka sano ee Roben Islans.
Nelson Rolihlahla Mandela maanta ayuu Sagaashan jirsaday, waana dhalasho ka duwan, dhalooshooyinka kale maadaama uu yahay shaqsi xusuus badan ku reebay in badan oo taqaano, Sagaashan sano ka hor oo ku beegan 1918-kii bishii July 18-keedii ayuu waxa Nelsano Mandela ku dhashay Tuulada Umtata ee gobolka Transkei, Magaca Nelson waxaa loogu bixiyay iskuulka sababtoo ah magaciisa rasmiga ah ee Rolihlahi ayaa ku dhawaaqitaankiisa waxay ku adkaatay macalinkiisii iskuulka u dhigayay Aabihii waxa uu dhintay isagoo sagaal jir ah, 1943 ayuu waxa uu ku biiray ururkii dhalinyarada ee ANC isagoo markaasi ahaa u ololeeye siyaasadeed, waxaa uu si weyn u soo caan baxay markii ay bilaabatay siyaasada midabkala sooca oo waxay isaga iyo nin la oran jiray Oliver tambo xafiis siyaasadeed ka fureen magaalada Johansibeek, waxayna markaasi olole ugu jireen sidii ay uga hor iman lahaa nidaamkii midabka kala sooca ee berigaasi ka jiray dalkaasi Koonfur Afrika, ka dibna waxaa sii hanaqaaday nidaamkaasi ilaa laga dhaqangaliyay sharciyo xadidaya dhaqdhaqaaqa dadka madowga ah sida shaqooyinkooda iyo meelaha ay ku noolayaanayaan, Xiisadiina wxay sii balaaratay ka dib markii 69 qof oo madoow ah ay boolisku xasuuqeen 1960-kii xasuuqaasoo loo yaqiinay xasuuqii Sharpeville, Xisbigii ANC-dana waa la mabnuucay, waxaana markaasi xisbiga gudoomiye ku xigeenka ka ahaa Nelson Mandela ,ka dibna Mandela waxaa lagu soo eedeyey dambiyo ka dhan amniga. 1961 ANC waxay samaysay garab hubaysan oo la oran jiray Umkhonto We Sizwe oo la macno ah falaarta Shacabka Mandelana waxauu dalka ugu baxay sidii tawabar meleteri u soo qaadan lahaa balse 1962 ayaa ee meel isbaaro ama Checkpoint ah lagu qabtay waxaana lagu xukumay xabsi daa'in isagoo lagu xiray jeelka la yiraahdo Roben island lambarka maxbuusnimadana waxa ahaa 46664. Hooyadiisa waxa ay u dhimatay wadno istaag iyadoo markaasi doonaysay inay xabsiga ku soo booqato. 1990 ayaa xabsiga laga soo daayay iyadoo markaasina uu Madaxweyne FW de Klerk uu xayiraadii ka qaaday xisbiga ANC. Soo siidayntii Mandela-na waxaa banaanka weyn ee xabsiga ku soo dhoweeyey Kumanaan qof oo ka marqaati noqonayay banaan imaanshaha halyeygooda, 1991 ayaa loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika. Xiligaasoo doorashadii dhacday ay kuraasta baarlamaanka Koonfue afrika oo 400 ah ay 252 ka mid ah ku guulaysteen ANC. 1993 waxa uu ku guulaystay Bilada loo yaqaano Nobel Peace Prize isaga iyo madaxweynihii cadaanka ee xilka ku wareejiyay ee F W De Klerk. Mandela waxa uu guursaday sadax jeer waxuuna leeyahay lix ilmood balse hada waxa ay wada joogaan oo u dhaxda Marwo Grace Machel walow aysan wax owlaad ah u haynin waxaana haweenaydan horaan u qabi jiray madaxweynihii hore ee Mozambique. Kingunge Ngombale Mwiri waa nin reer Tansani ah waxay mandela isku barteen beriguu uu joogay tanzani, waxuuna k waramayaa intii uu garanay Mandela. 1999-kii ayuu xilka madaxweynenimada isaga degay, waxuuna wixii xiligasi ka dambeeyey sheegay inuu siyaasada isaga nasanayo waqtigiisa inta ka hartay uu la qaadanayo reerkiisa. Balse halyeygan da'da ah kama uusan aamusin ka hadalka soo tooska siyaasadeed ee caalamka iyo dalkiisaba ka jira, ololeyaasha sida weyn loogu xasuusto Mandela waxaa ka mid ah, dadaalada uu ugu jiro ka hortaga cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka, iyo yabooha uu ugu jiro dhimista saboolnimada. Isku soo wada duuduuboo Nleson Mandela oo maanta Sagaashan jirsaday ayaa weli ah shaqsi mug iyo miisaan weyn ku leh caalamnka,
qaasatan qaarada afrika oo runtii la oran waxa uu ka yahay tusaale ama mataal mar walba la soo qaato. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||