BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
18 Julaay, 2008, 21:39 GMT; 00:39 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Maxeey ku heshiiyeen Maxkamaduhu?
 

 
 
Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa shan qodob ku heshiiyey
Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa shan qodob ku heshiiyey
Midowga Maxkamadaha Islaamiga oo in muddo ah ku shirsanaa dalka Yemen ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in la taageero heshiiskii Djibouti, balse wax laga beddelo.

Prof. Ibraahim Caddow oo u hadlay Midowga Maxaakimta Islaamiga ah, ayaa BBC u sheegay inay ku heshiiyeen afar qodob oo saldhig ah:

1. In la mideeyo Midowga Maxkamadaha Islaamka.
2. In la xalliyo, oo lasoo afjaro khilaafkii ku kala dhex jiray Maxkamadaha.
3. In wax laga beddelo qaar kamid ah qoddobada iyo luqadda heshiiska Djibouti.
4. In dadaalka heshiiska loo gudbiyo heer Isbaheysi.
5. In si degdeg ah loo aasaaso guddi meel mariya qodobbada ay Maxkamaduhu ku heshiiyeen.

Prof. Caddow ayaa ka gaabsaday in faahfaahiyo qodobbada uu sheegay inay codsan doonaan in wax laga beddelo. Gaabsigaas ayuu ku macneeyey inuu sabab u yahay in dhinacyadii kale ee ka tirsanaa heshiiska, sida Dowladda KMG iyo Qaramada Midoobay, ay doonayaan inay marka hore ogeysiiyaan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin