BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
17 Julaay, 2008, 01:50 GMT; 04:50 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Soomaaliya iyo dalalka fashilmay
 

 
 
Soomaaliya safka hore ayeey kaga jirtaa dalalka fashilmay
Soomaaliya safka hore ayeey kaga jirtaa dalalka fashilmay
Wargeyska the Foregn Policy ayaa sheegay in Soomaaliya ay kaalinta koobaad kaga jirto dalalka fashilmay. Wuxuuse wargeysu sheegay in jirto rajo ay Soomaaliya uga bixi karto.

Wargeyska the Foreign Policy Magazine wuxuu leeyahay Soomaaliya muddo dheer ayeey safka kaga jirtay dalalka burburay. Dhacdooyinkii ugu dambeeyeyna waxa ayba sii murjiyeen marxaladda dalkaas.

Dowlad aan taageero badan heysan iyo ciidamo Itoobiyaan ah ayaa dabka sii huriyey, sida uu wargeysku leeyahay. Xaaladda bani'aadannimo ayaa meel quus ku dhow mareysa. Burcad ayaa barriga iyo baddaba ka qaraabta. Barakucuna heerkii ugu sarreeyey ayuu gaaray.

Sidaas oo ay tahayse, fursad rajo ah ayaa wali jirta. Wargeysku wuxuu tusaale u soo qaatay saddex dal, oo sanadkii hore safka hore uga jiray dalalka afka ciidda darsaday, oo sanadkan soo sara-kacay. Waa Ivory Coast, Liberia iyo Haiti.

Laba qodob ayaa laf-dhabar u ah soo kabsashada dalalkaas. Waa heshiis siyaasadeed iyo ciidamo caalami ah.

Inkastoo saddexdaas dal ay wali qosol-ku-jab yihiin, haddana dhinacyadii ku loollamayey ayaa gaaray heshiis siyaasadeed oo ay kaabayaan kumannaan ciidamo caalami ah, oo kaalintooduna ay qeexan tahay.

Heshiiskii ay dhinacyada Soomaalidu ku gaareen Djibouti bishii hore, ayaa la dhihi karaa waa mid mabada'a ahaan horseedi kara xal siyaasadeed. Qodobbadiisana waxaa kamid ahaa in ciidamo caalami ah dalka la keeno, inkastoo kaalinta ciidamadaas ay yeelanayaan ay noqoneyso mid muhiim ah, oo looga fadhiyo inay dhinacyadu isla meel dhigaan.

Hadaba haddii heshiiskaas la meel mariyo, ciidamo caalami ahna la keeno, ma laga yaabaa inay Soomaaliya kasoo waaqsato burburka ku habsaday?

Su'aashaas waxaan waydiiyey Afyare Cabdi Cilmi, oo maaddada colaadaha iyo nabadda dhisidda ka dhigaa jaamacadda Alberta ee dalka Canada.

Wuxuu Afyare leeyahay ciidamo shisheeye kaliya xal uma noqon karaan Soomaaliya, haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo ku qotoma sal adag.

Dabcan dad badan ayaa qaba in Soomaalidu ay nabad ku keensan wayday 14 shir dibu-heshiisiineed, iyo xitaa ciidamo caalami ah oo mar la tijaabiyey.

Wargeyska maqaalkan qoray ayaa isticmaalay 12 halbeeg oo lagu cabbiray dalalka caalamka oo dhan. Lix kamid ah 12-kaas halbeeg waa kuwa siyaasadeed.

Si kale haddii loo dhigo, xasillooni siyaasadeed ayaa udub-dhexaad u ah xasilloonida dalalka. Tusaale ahaan, dalalka Sudan, Congo iyo Lubnaan, oo ay ciidamo caalami ah muddo badan joogeen, ayay wali colaado ka aloosan yihiin.

Waana qodbkaas midka uu hoosta ka xarriiqayo Afyare Cabdi Cilmi.

Laakiin wargeyska ayaa isna hoosta ka xarriiqay in ciidamo caalami ah, oo waajibaadkooda uu cad yahay,dhaqaale ku filanna heysta, ay dhab ahaan soo dabbaali karaan horumar haba iska luudee lagu tashan karo.

Afyare wuxuu leeyahay ciidamada shisheeye koox ma ilaaliyaane heshiis ayeey ilaalinayaan.

Isku soo duuboo waxaa muuqata in labadii qodob ee kala ahaa heshiis siyaasadeed iyo ciidamo caalami ah, kuwaas oo dalalka Ivory Coast, Liberia iyo Haiti u horseeday inay soo kabsadaan, ay imminka fursad ahaan u horyaallaan dhinacyada Soomaaliya isku haya.

La arki doonee halka ay sanadka dambe Soomaaliya ka gasho liiska dalalka burburay.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin