BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
17 Julaay, 2008, 05:55 GMT; 08:55 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Dagaal culus oo ka qarxay Muqdisho
 

 
 
Kooxaha kacdoonka ayaa aroor walba hoobiyayaal ku weerara ciidanka Itoobiya
Kooxaha kacdoonka ayaa aroor walba hoobiyayaal ku weerara ciidanka Itoobiya
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen dagaal culus oo aroortii Khamiista ka qarxay qaybo ka tirsan caasimadda Muqdisho iyo duleedkeeda.

Dadka dhintay waxaa kamid ah hooyo iyo laba carruur oo ay dhashay, oo madfac habow ah uu ugu tagay gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Waxara-Cadde ee duleedka waqooyi ee Muqdisho.

Sababta dagaalka

Dagaalka ayaa si weyn u qarxay kaddib markii kooxaha kacdoonku ay hoobiyayaal ku garaaceen xeryo ay deggan yihiin ciidanka Itoobiya, oo ku yaalla Warshaddii Baastada.

Hoobiyayaashaas, oo aroor walba lala beegsado Itoobiyaanka, ayaa waxay kooxuhu daba dhigeen weerar xooggan oo ay ku qaadeen xeradaas iyo kuwa kale oo ku yaalla waddada Warshadaha.

Ciidanka Itoobiya ayaa markaas jawaab culus ka bixiyey weerarkaas, iyagoo madaafiic waaweyn u qaybiyey xaafado ay kamid yihiin Towfiiq, Huriwaa iyo kuwa kale.

Tirada khasaaraha

Tirada khasaaraha ayeey u badan tahay inay kasii badato inta la hubo hadda, oo ah afar dhimasho iyo shan dhaawac ah. Gaadiidkii kala guri lahaa dadka dhaawacmay ayaan gabi ahaanba dhaqaaqin saakay, xoogga dagaalka socda awgiis.

Isbitaallada Muqdisho oo awalba la daalaa-dhacayey dhaawac fara badan ayuu dagaalkani sii saaran doonaan culeys hor leh.

Dagaalka oo qaboobay

Abbaarihii 8:00 am (Siddeedii aroornimo) ayuu wariyaha BBC ee Muqdisho kusoo warramay inuu dagaalku iskiis u qaboobay, meelo fara badan oo caasimadda ka tirsan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin