BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
17 Julaay, 2008, 21:34 GMT; 00:34 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Boosaaso: Rag xirnaa oo lasii daayey
 

 
 
Maxkamad ku taalla Boosaaso ayaa sii deysay sagaal nin
Maxkamad ku taalla Boosaaso ayaa sii deysay sagaal nin
Sagaal nin oo Jimcihii lasoo dhaafay ay booliska Gaalkacyo xireen kaddibna loo gudbiyay magaalada Boosaaso ayaa maanta la siidaayay kaddib markii maxkamad halkaas ku taal ay amartay sii dayntoda.

Sagaalka nin waxay markii hore u socdeen seminaar ka dhacayay magaalada Haraysa.

Saaka barqadii ayaa sagaalka nin waxaa la horgeeyay maxkamadda darajada koobaad ee magaalada Boosaaso, iyadoo sida la sheegayay lagu tuhmay inay lug ku yeelan kareen xiisado maalmihii la soo dhaafay ka soo kordhayay magaalada Galkacyo ka dib markii dilal qorshaysan lagu khaarajiyay dad isugu jiray ganacsato iyo waxgarad kale.

Laakiin xeer ilaaliyaha gobolka Bari, garyaqaan Axmed Taaraan ayaa markii ay dacwaddu bilaabatay maxkamada horteeda ka sheegay in sagaalka nin loo haystay lugta ay ku yeelan karaan dembiyada dilalka ah ee ka dhacay Galkacyo. Hase ahaatee in aanay jirin caddaymo eedahaas la xiriira oo ay xeer ilaalintu hayso.

Gudoomiyaha maxkamada Boosaaso, Garyaqaan Max’ed Cabdi Awaare iyo garsoorayaasha kale ee maxkamadda ayaa iyaguna markii ay eegeen kiiskan iyo xarigga sagaalka qof ka dib waxay iyaguna sheegeen in maxkamaddu aysan haynin wax dembi ah oo sagaalka nin ay galeen sidaas awgeedna ay maxkamaddu sii daysay.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa, garyaqaannada maxkamadda iyo xeer ilaalintuba waxay wadajir u tilmaameen in qabashada sagaalka nin ay la xiriirto tuhmo ee aanay ahayn dembi ay gacanta kula jireen iyadoo xilliga la qabtayna ay ahayd waqti ay Galkacyo ka taagan yihiin duruufo gaar ahaaneed.

Waxaa kale oo jiray qoraal rasmi ah oo ay maxkamadda horgeeyeen qaar ka tirsan culimada diinta ee Puntland kaasoo maxkamadduna ay tixgelisay, culimadu waxay qoraalkooda ku caddeeyeen in nimankani aanay wax lug ah ku lahayn tuhmada loo qabtay iyo rabshadaha ka oogan gobolka Mudug.

Sagaalka nin ee la siidaayay ayaa haatan iyagoo xor ah waxay ku sugan yihiin magaalada Bosaso, Sh.Nuur Yusuf Kediye oo ka mid ah sagaalka nin oo aan la xiriiray ayaa ii sheegay inay ku faraxsan yihiin siidayntooda, intii ay ku jireen gacanta booliskana aanay la kulmin wax dhibaato ah oo ka baxsan xorriyadii laga qaaday.

Magaalada Gaalkacyo waxaa weli ka taagan xiisad ka dhalatay dilal isdabajoog ahaa oo kii ugu dambeeyay lagu dilay Cali Jaamac Biixi oo ka mid ahaa odayaasha lagu yaqaanay u ololaynta nabadda, waxaa kaloo jiray eedaymo ay is dhaafsanayaan masuuliyiinta koofurta iyo waqooyiga magaalada.

Maamulka Puntland iyo shacabka ku dhaqan waqooyiga Galkacyo waxay hadal hayaan soo noolaynta khad cagaaran oo ay magaaladu lahaan jirtay iyagoo ku doodaya in dhammaan dilalka ka dhacay waqooyiga laga soo abaabulay dhanka koofurta isla markaasna waxgaradka koofurtu ay awood u yeelan waayeen inay arrintaas xakameeyaan.

Laakiin dadka ka soo jeeda koofuta Gaalkacyo ayaa tallaabadaas ku timaamay mid nasiibdarro ah iyagoo sheegaya in labada dhinac aanay kala maarmin sidaa awgeedna loo baahan yahay in la raadiyo qaabab kale oo loo maareeyo dhibaatada meesha taalla

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin