BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
16 Julaay, 2008, 02:53 GMT; 05:53 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Boqollaal qof oo indhaha loo fiiqay
 

 
 
600 oo bukaan ah ayaa indhaha loogu fiiqay duleedka Muqdisho
600 oo bukaan ah ayaa indhaha loogu fiiqay duleedka Muqdisho
Dad ka badan 500 oo qof, una badan kuwa ka barakacay colaadaha Muqdisho, ayaa indhaha loogu fiiqay isbitaalka KMG ee Carafaat oo ku yaalla duleedka magaalada

Howsha indha-fiiqidda waxaa fulisay hey'adda ZamZam Foundation. Dadka indhaha loo fiiqay waxaa ku jira 23 carruur ah.

Boqollaal qof ayaa indhaha loo fiiqay
Boqollaal qof ayaa indhaha loo fiiqay

Madaxa caafimaadka ee hey'adda Zamzam Foundation, Maxamed Maxamud Oogle, ayaa BBC uga warramay xaaladda ay ku sugnaayeen qaar kamid ah dadka indhaha loo fiiqay.

Wuxuu sheegay in 23-ka carruurta ah qaar kamid ah laba laba indhood laga qalay. Waxaa kaloo jira buu yiri qoys ka kooban afar qof oo dhamaantood indha la'a. Odayga qoyskaas waxaa loo yaqaannaa Cali Maxamed Xaayow (Cali Shube)

Boqollaal qof ayaa indhaha loo fiiqay
Boqollaal qof ayaa indhaha loo fiiqay

Hooyada qoyska waxay isaga qanacday indha la'aanta. Odaygana indhiihisa ayaa qalmi waayey. Laba gabdhood oo ay dhaleen ayaa indhaha loo fiiqay.

40 sano oo indha la'aan ah

Waxaa kaloo dadkii indhaha loo qalay kamid ah Sh. Maxamud Cismaan, oo muddo 40 sano ah indha la'aa. Isagoo indha la'a ayuu dugsi sare ka baxay. Jaamacadna wuxuu u gali waayey indha la'aantiisa darteed.

Boqollaal qof ayaa indhaha loo fiiqay
Boqollaal qof ayaa indhaha loo fiiqay

Muddo 46 sano kaddib ah ayaa indhaha loo fiiqay. Isagoo lugihiisa ku socda ayuu isbitaalka ka baxay. Ninkaas walaalkiis oo la yiraahdo Muxumed Cismaan la yiraahdo ayaa isna indhaha loo qalay.

Gabar iyadana saddex jir ku indha beeshay ayaa indhaha loo fiiqay, iyadoo 25 jir ah. Markii ugu horreysay muddo intaas dhan ayeey aragtday qosykeeda. Mucjisooyin waaweyn oo noocaas ah ayaa meesha ka dhacay.

Ugu yaraan 670 qof ayaa indhaha loogu fiiqay mashruucan, oo ah kii ugu horreeyey ee laga fuliyo goobaha ay ku nool yihiin dadka barakacay.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin