|
Ergeyga QM oo ammaanay heshiiska Djibouti
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Axmad Walad-Cabadalla, ayaa ammaanay heshiiska ay dhinacyada Soomaalidu
ku saxiixeen Djibouti bishii hore.
Ergeyga ayaa intaas ku daray in beesha caalamkuna ay u soo gurmatay heshiiskaas. Wuxuu xusay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dalalka Midowga Yurub, Mareykanka, Carabta iyo Midowga Africa ay dhammaantood goobjoog ku ahaayeen Djibouti, markii heshiiska la gaarayey. Walad-Cabdalla ayaa sheegay in beesha caalamku ay imminka wakhti siineyso dhinacyada Soomaalida, si ay heshiiska uga soo dhaadhacsiiyaan dhinacyadii aan markii hore oggolaan. Shirka Golaha Ammaanka Danjire Walad-Cabdalla ayaa tilmaamay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka arrinsan doonaan marxaladda Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii Djibouti kaddib, kaas oo waliba si gaar ah looga codsaday inay oggolaadaan ciidamo caalami ah. Maalinta Arbacada ah ee toddobaadka soo socda ayay Goluhu ka shir doonaan arrinta Soomaaliya. Guddi isku-dhaf ah Walad-Cabdalla wuxuu sheegay in guddi isku dhaf ah oo ka kala socda Dowladda KMG ah iyo Isbaheysiga Dibu-Xoreynta ay dhawaan howlgali doonaan, iyagoo waliba la kulmi doona Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo waliba jaaliyadaha Soomaalida ee Mareykanka iyo Yurub. Danjiruhu wuxuu sheegay in 18 sano oo colaad ah kaddib, in rajo la taaban karo ay markii ugu horreysay muuqato. Mana ahan buu yiri in dib loo celiyo rajadaas. Dilka waxgaradka Sidoo kale, qoraalkan saxaafadda loogu tala galay ayaa si weyn loogu cambaareeyey dilalka iyo ugaarsiga waxgaradka, gaar ahaan shaqaalaha gargaarka, ganacsatada iyo suxufiyiinta. Soomaalidu waa inay u midoobaan sidii ay u midoobeen dhallinyaradii SYL ee xorriyadda u horseeday dalka Soomaaliya, ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa danjire Walad-Cabdalla. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||