|
Barlamaanka oo soo dhaweeyey heshiiska Djibouti
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Afhayeenka Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sh. Adan Madoobe, ayaa BBC u sheegay in golihiisu uu soo dhaweeyey heshiiskii ay
Djiouti ku gaareen dowladda KMG iyo Isbaheysiga Dibu-Xoreynta Soomaaliya.
Sh. Madoobe ayaa sheegay inaan wali la ansixin qodobbadii heshiiskaas lagu gaaray, maadaama aan heshiiska wali si rasmi ah loo saxiixin. Laakiin wuxuu sheegay in, kaddib markii uu Golaha Barlamaanku dhageystay heshiiskaas, uu soo dhaweeyey in lasii ambaqaado. Xiriirka dowladda iyo barlamaanka Sh. Aadan Madoobe ayaa iska diiday in dowladda KMG ah iyo Golaha Barlamaanka uu ka dhex jiro is-faham waa. Wuxuu sheegay in golihiisu uu la xisaabtamo dowladda, sida sharcigu qorayo, laakiin uusan jirin ismarin waa. Wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey ayuu kaga hadlay arrimo badan, oo isugu jira kuwa xagga ammaanka ah, iyo kuwa xagga sharciga ah. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||