|
 |
|
| Xiisad ayaa ka jirta magaalada Gaalkacyo |
Booliska magaalada Galkacyo ayaa xiray sagaal nin kuwaas oo Jimcihii la soo dhaafay laga qabtay kontoroolka Galkacyo, sagaalka
nin oo ka soo jeeda degmooyinka Guriceel iyo Cadaado waxaa halkaas laga soo qaaday xalay goor dambe waxana loo gudbiyay magaalada
Bosaso.
Saaka barqadii ayaa sagaalka nin waxaa muddo yar lagu hayay saldhigga booliska ee magaalada Garowe, weriyaha BBCda Axmed
Kismayo ayaa sheegaya in sagaalka nin marakii saldhigga la keenay ay ku jireen baabuur nooca shabaqlaha ah, waxana la socday
dhowr gaari oo ay la weheliyaan ciidan ilaalo ah.
Weriyaha ayaa arrinta dadkaas wax ka waydiyay qaar ka mid ah ciidanka booliska oo markaas saldhigga joogay hase ahaatee boolisku
waxay sheegeen inaysan waxba kala socon xaaladda dadkaas hase ahaatee loo wado magaalada Bosaso.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo xarigga nimankan ku saabsan hase ahaatee waxaa la rumaysan yahay
in qabashadoodu ay la xiriirto dilal dhowaan ka dhacay magaalada Galkacyo.
Xubno ka tirsan qaraabada dadkaas la qabtay ayaa sheegaya in dadka la qabtay ay ahaayeen dad dhallinyaro ah oo dano kala
duwan ugu socday magaalada Hargaysa isla markaasna aysan wax lug ah ku lahayn xiisadaha ka taagan Galkacyo.
|