BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
15 Julaay, 2008, 02:30 GMT; 05:30 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Weerar lagu qaaday Gegida Muqdisho
 

 
 
Garoonka dayuuradaha ee Muqdisho wuxuu kamid yahay meelaha ay weeraraan kooxaha kacdooka
Garoonka dayuuradaha ee Muqdisho wuxuu kamid yahay meelaha ay weeraraan kooxaha kacdooka
Saddex qof ayaa ku dhaawacmay madaafiic jawaab u aheyd hoobiyayaal lagu riday gegida dayuuradaha ee Muqdisho, fiidkii Isniinta.

Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, oo ay gacanta ku hayaan ciidanka AMISOM ee Midowga Africa.

Taliyaha ciidanka AMISOM ee Muqdisho, Maj. Gen. Francis Okielo ayaa weerarkaas uga warramay BBC. Wuxuu sheegay in lixidii maqribnimo afar hoobiye oo lagu soo riday garoonka ay ku dhaceen xerada ciidanka.

Saddex kamid ah madaafiicdaas ayaa qarxay, midna ma qarxin, sida uu sheegay. Mana jirin cid wax ku noqotay.

Taliyaha ayaa iska fogeeyey inay iyagu ka dambeeyaan madaafiicda lagu soo jawaabay ee dadka dhaawacday. Wuxuu sheegay inuu ka shakisan yahay in laga soo riday xaafadda African Village, ama meel u dhow Suuqa Bakaaraha.

Kooxaha la dagaallama ciidanka shisheeye iyo kuwa Dowladda KMG ah ayaa meelaha ay bartilmaameedsadaan waxaa kamid ah garoonka Muqdisho.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin