|
Dibadbax ka dhan ah beegsiga samafalka
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Boqollaal qof oo kamid ah dadka ka barakacay colaadda Muqdisho ayaa dibad-bax ay uga dhiidhinayaan ugaarsiga shaqaalaha gargaarka
ku qabtay duleedka Muqdisho.
Meelaha ay dadkaas isugu soo bexeen waxaa kamid ah Carbiska iyo deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ah meesha ay ku sugan yihiin kumannaan qof oo soo barakacay. Dadka dibad-baxayey ayaa iskood isku soo abaabulay. Waxay BBC u sheegeen in markii uu caalamku usoo gurmaday ay soo if-bexeen canaasir beegsanaya shaqaalaha hey'adaha gargaarka ah, ee cuntada, biyaha iyo daawada la garab taagan. Roob xooggan oo ka da'ay meesha uu madaaharaadku ka socday ayaa ku kor qayooday bannaanbaxayaasha, oo aad u careysnaa. Ugaarsiga shaqaalaha samafalka ayaa saameyn xagga nolosha ah ku yeeshay dadka barakacay, kaddib markii ay heya'daha qaar ay joojiyeen howlihii gargaarka ee ay wadeen, qaar kalena ay hakiyeen. Shaqaalo dalka ka baxay Sidoo kale, shaqaale samafal oo aad u badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay isaga hayaamayey caasimadda Muqdisho. Qaar kale oo kamid ah shaqaalahaas ayaa sidoo kale la sheegay inay dhabbaha kusii jeedaan. Iyadoo intii soo hartayna la faray inaaney ka bixin guryahay ay deggan yihiin. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||