BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
15 Julaay, 2008, 21:26 GMT; 00:26 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Maxkamadaha oo heshiis gaaray
 

 
 
Midowga Maxkamadaha ayaa ku dhawaaqay inay soo afjareen khilaafkooda
Midowga Maxkamadaha ayaa ku dhawaaqay inay soo afjareen khilaafkooda
Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah oo ku shirsanaa Yemen ayaa ku dhawaaqay inay ka heshiiyeen xurguf in muddo ah ku kala dhex jirtay oo laba garab u qaybisay.

Afhayeen u hadlay Maxkamadaha, Sh. Yusuf Cali Caynte, ayaa BBC u sheegay in shirkii beryahan uga socday dalka Yemen oo mira dhaliyey, isla markaana ay soo afjareen khilaafkii kala geeyey.

Isagoo ku sugan dalka Yemen, ayuu afhayeenku sheegay in heshiiskan oo dhameynayo khilaafkii labada garab u kala jabiyey Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah.

Saameynta heshiiska Djibouti

Wuxuu intaas ku daray in heshiiskooda uusan waxba ka baddaleyn heshiiskii ay Isbaheysiga Dibu Xoreynta Soomaaliya iyo Dowladda KMG ah ku gaareen dalka Djibouti, sagaalkii bishii June.

Waxa laga heshiinayo ayuu ku sheegay inayba ahaayeen khilaafkii ka dhashay heshiiska Djibouti.

Dilalka shaqaalaha samafalka

Mar Sh. Yusuf Cali Caynte la waydiiyey in Maxkamaduhu ay ku lug leeyihiin dilalka qorsheynsan ee lagu hayo shaqaalaha samafalka iyo in kale, ayuu aad isaga fogeeyey, isagoo sheegay in kuwa uu ku sifeeyey "gumeysiga" ay abuureen jawi lagu khaarijiyo shaqaalaha gargaarka.

Wuxuu sheegay in Maxkamaduhu aad iyo aad ugu tiiraanyeysan yihiin dhibaatada lagu hayo shaqaalaha hey'adaha gargaarka.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin