BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
14 Julaay, 2008, 18:26 GMT; 21:26 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Madaxwaynaha Sudan oo la dacweeyay
 
Cumar Xassan Al-Bashir
Madaxwaynaha Sudan
Dambi oogaha maxkamada caalamiga ah ee danbiyada, Luis Moreno Ocampo, ayaa Waydiistay xaakimyada maxkamadda in ay warqad lagu soo xiro u gooyaan madaxwaynaha Sudan, Cumar Xassan Al-Bashiir.

Waa markii ugu horaysay ee dambi oogaha maxkamada caalamiga uu dacwad ku soo rogo madaxweyne xukunka haya.

Sudan ma aqoonsana maxkamada Caalamiga ee dambiyada oo saldhigeedu yahay Magaalada Hague, masuuliyiinta qaarna waxay ka digeen in ay hor istaagi doonto raadinta in nabad loo helo gobolka Dafuur.

Mark Doyle, ayaa warbixintan ku eegaya saamaynta go'aankan.

Waxaa iswaydiintu tahay, sidee sharci u tahay in madaxwayne xilka haya maxkamad la soo taagi karo, iyadoo waliba Sudan aysan ka mid ahayn dowladaha saxiixay jiritaanka maxkamadda caalamiga ah.

Cabdiraxmaan Koronto, ayaa ka waraystay Dr Cumar Cabdulle Calasow oo uu su'aashaas u bandhigay.

Dhinaca kale, dowladda Sudan ayaa diiday eedaha uu soo jeediyay dacwad soo oogaha maxkmadda caalamiga ah, balse Human Rights Watch, ayaa ku tilmaantay go'aanka maxkamadda mid muujinaya in aysan jirin cid ka saraysa sharciga.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin