|
Walaac laga qabo muhaajiriinta Geeska Africa
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Dowladda Mareykanka ayaa ka walaacsan in muhaajiriin kasoo jeeda Geeska Africa, oo si sharci darro ah ugu soo qulqulaya dalka,
ay argagixiso kusoo dhex dhuuntaan.
Sida ay kusoo warramayso wakaaladda wararka ee AP, sirdoonka Mareykanka ayaa helay farriimo ay is-dhaafsanayeen kooxo ka tirsan kuwa sida sharci darrada ah wax u tahriibaya, oo ka arrinsanaya sidii ay dalka Mareykanka kusoo galin lahaayeen muhaajiriin kasoo jeeda dalalka Geeska Africa, gaar ahaan Somalia, Ethiopia, Eritrea, Sudan iyo Djibouti. Walaaca sirdoonka Mareykanka ayaa salka ku haya aragtida laga qabo gobolka Geeska Africa, oo ah mid ay colaado diloodeen, isla markaana lagu tuhunsan yahay inay saldhigyo ku leeyihiin kooxo uu Mareykanku argagixiso ku tuhunsan yahay. Tirada muhaajiriinta Laamaha socdaalka Mareykanka ayaa 12-kii bilood ee lasoo dhaafay qabtay 372 qof oo kasoo jeeda Geeska Africa, kuwaas oo doonayey inay si sharci darro ah ugu soo xaluushaan soohdimaha Mareykanka. Tirada ugu badan ee muhaajiriintaas ayaa ka soo jeeday dalka Eritrea. Howlaha tahriibkana waxaa muhaajiriintaas ku gacan-siinayey nin 26-jir ah oo la yiraahdo Maxamed Kamal Ibrahim, oo u dhashay dalka Ghana, kuna nool dalka Mexico, halkaas oo uu ku been-abuuro dukumiintiyo been abuur ah, sida ay warbixintu sheegeyso. Ninkaas iyo nin kale oo isna reer Ghana ah, ayaa sida ay warbixintu sheegeyso muhaajiriinta u sameynayey visooyin, ama dal-ku-gal been abuur ah, iyagoo muhaajiriinta ka qaadayey lacag dhan $5,000. Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in, inkastoo inta badan muhaajiriintaas ay yihiin kuwa naf la-caari ah, oo doonaya uun inay nolol ka wanaagsan midda dalalkooda ka helaan Mareykanka, haddana ay ku soo dhex dhuuman karaan kooxo sharwadayaal ah, oo ujeeddooyin argagixiso leh. Ka sokow dadka kasoo jeeda Geeska Africa, Mareykanka waxaa maalin walba si sharci darro ah ku soo gala ugu yaraan kun qof, oo intooda badan kasoo jeeda dalalka dariska la ah ee Latin America, gaar ahaan Mexico. Walaaca Mareykanka Laakiin sirdoonka Mareykanka ayaa ka walaacsan kororka tirada muhaajiriinta Geeska Africa, maadaama ay kooxaha argagixisada ku adkaatay inay dukumiintiyo been abuur ah ku soo galaan Mareykanka, iyagoo markaas si aad ah u daneynaya inay kasoo xaluushaan soohdinta dheer ee uu Mareykanku la leeyahay Mexico, taas oo ah mid aan inteeda badan la ilaalin. Ha yeeshee sirdoonka Mareykanka ayaa woxoogaa rajo ah ka muujiyey in socdaalka muhaajiriinta Geeska Africa uu hakad galo, maadaama la soo qabqabtay labadii nin ee howlahaas agaasimi jiray. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||