|
Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Qarax weyn ayaa saaka waxa uu haleelay baabuur uu la socday guddoomiye ku xigeenka degmada Yaaqshiid, halkaasoo qaraxu uu
sababay khasaare lixaad leh oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Ciidamada booliska ee dowladda KMG ah ayaa halkaasi u gurmaday, si baaritaan ugu sameeyeen sidii ay u dheceen, iyadoo halkaasina weli uu yaallo burburkii baabuurkii uu la socday guddoomiye ku xigeenka degmada Yaaqshiid. Guddoomiye ku xigeenka ayaa la sheegay in isaga iyo saddex ka mid ah ciidamo waardiyeynayay ay ku dhinteen qaraxaasi, isagoo noqonaya guddoomiye ku xigeenkii afraad ee lagu dilo magaalada Muqdisho, iyadoo guddoomiyayaasha la dilayna ay yihiin 12, tan iyo markii ciidamada Ethiopia ay soo galeen Somalia. Magaalada Muqdisho ayaa guud ahaan maanta xasilloon, inkastoo ay jiraan xiisadaha u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah iyo ciidamada shisheeye ee taakuleeya iyo kooxaha kacdoonka wada. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||