|
Weerar lagu qaaday garoonka Muqdisho
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhawr hoobiye lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, xilli
halkaasi uu ka soo degayaya Madaxweynaha KMG ah ee Somalia Cabdullahi Yusuf.
Hoobiyeyaashaasi, oo la sheegay inay ku dheceen xaafaddo u dhaw gegida diyaaradaha ayaa waxa ku dhaawacmay laba qof oo rayid ah, sida uu ku soo waramaya weriyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimu. Madaxweynaha KMG ah ee Somalia Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa isaga iyo wafdigiisa Muqdisho maanta ku laabtay isagoo ka yimid dhinaca magaalada Nairobi. Ma ahan markii ugu horeysay ee weerar noocaasi oo kale ah lagu qaado garoonka diyaaradaha Muqdisho, ee waxaa dhawr jeer oo
hore kooxaha ka soo horjeeda dowladda iyo ciidamada Ethiopia ay weerareen wafdiga Madaxweynaha xilli uu ka soo baxayay Muqdisho. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||