|
Qarax ka dhacay Beledweyne
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Qof dumar ah ayaa ku dhintay mid kalena waa ay ku dhaawacantay qarax weyn oo saaka ka dhacay Magaalada Beledweyne ee gobolka
Hiiraan.
Qaraxa ayaa dhacay markii laba gabdhood oo u dhawaa goobta la dhigay oo ku taala jidka weyn ee dhexmara magaalada ay isku dayeen inay dhaqaajiyaan jawaan uu ku jiray. Gabdhahaasi ayaa la sheegay inay ku qaldameen jawaankaasi oo ay u heysteen in qashin uu ku jiray. Dhaqtarka Isbitaalka Beledweyne Dr Xalane oo BBC uga waramay xaaladda gabadha dhaawacan ayaa sheegay in xaaladdeedu ay liidato. Dhinaca kale xaaladda goobihii ay dagaaladii ka dhaceen ee deegaanada gobolka Hiiraan ayaa degan , iyadoo ciidamada Ethiopia ay ku sugan yihiin dulleedka magaalada Beledweyne. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||