BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
03 Julaay, 2008, 23:31 GMT; 02:31 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Dilalka qorsheysan oo ku badanya Muqdisho
 

 
 
Magaalada Muqdisho
Magaalada Muqdisho
Kooxo hubeysan ayaa Arbacadii toogasho ku dilay ganacsade C/kariim Sh. Ibrahim. Dilkiisu wuxuu qayb ka yahay dilal qorsheysan oo lala beegsanayo dadka wax ku oolka ah ee Muqdisho.

Marxuumka ayaa intii aan la dilin kasoo baxay suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo kooxo bastoolado ku hubeysan ay ku dileen meel u dhow xaafadda Siigaale ee Muqdisho.

Dilalka gaadmada ah ee lala beegsanayo shakhsiyaadka wax ku oolka ah ayaa ku badanaya magaalada Muqdisho. Laakiin cidna isma waydiiso ciddii ka dambeysay dilalkaas.

Dilalka ayaa gaaray meeshii ugu sarreysay. Dadka muhiimka ah ayay lasoo wajahday cabsi xooggan, kaddib markii ay caddaatay in kooxaha wax dila ay baacsanayaan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin