BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
03 Julaay, 2008, 13:00 GMT; 16:00 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Dagaal ka dhacay dulleedka Beledweyne
 
ethiopia
Ciidamada Ethiopia waxa lagu qaaday weerar gaadmo ah
Xoogaga Islaamiyiinta Soomaaliya, ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo ciidamo Ethiopian ah oo marayay meel dhowr iyo toban kilomitir u jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Janta Kuundisho iyo Jawiil, iyadoo ay saddex jeer weerarro is xiga ay ku qaadeen kooxaha islaamiga ciidamada Ethiopia, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Afhayeenka maxkamadaha Islaamka, ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen weerarkaa oo ay qasaarooyin u gaysteen ciidamada Ethiopia.

Dhawrkii maalmood ee u danbeeyay ayaa waxaa sii kordhayay weerarrada kooxaha kacdoonka wada ay ku qaadayeen ciidamada Ethiopia ee ku sugan deegaanada gobolada dhexe ee Somalia.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin