|
Waa sidee xaaladda Matabaan?
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Degmada Matabaan ee goboka Hiiraan ayaa xasilloon, maalin kaddib markii uu dagaal culus halkaas ku dhex maray kooxaha kacdoonka
iyo ciidanka Itoobiya.
Waxgarad iyo odayaal ku dhaqan degmadaas oo BBC lasoo xiriiray ayaa sheegay inay arkeen meydka saddex qof oo rayid ah iyo dhaawaca afar kale, oo la rumeysan yahay iney haleeleen madaafiic ay ganayeen ciidanka Itoobiya. Guddoomiyaha degmada Matabaan ayaa isna BBC u xaqiijiyey in lix qof oo rayid ah oo ay haleeleen xabbado wiifto ah, ay ku dhaawacmeen gudaha magaaladaas. Wuxuuna intaas ku daray inuu jiro khasaare ballaaran oo soo gaaray dhismayaal ku yaalla degmadaas. Dadka Matabaan ayaa mar qura ka qaxay halkaas, markii uu dagaalku qarxay, inkastoo ay badankood soo laabteen. Guddoomiyaha ayaase BBC u sheegay inay jiraan carruur iyo waalidkood kala ambaday oo illaa haatan is baadi goobaya. Dhaawacyo ka badan 20 qof ayaa la gaarsiiyey isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel. Guud ahaan goobihii ay lagu dagaallamay ayaa maanta xasilloon, iyadoo ay ku sugan yihiin xoogagga kacdoonka wada. Ciidanka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin isgoyska Kala-Beyrka, oo ah halka ay ku kala leexato waddada aadda Beledweyn iyo Feefeer ee dalka Itoobiya, lamana oga halka ay aadi doonaan. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||