BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
02 Julaay, 2008, 17:01 GMT; 20:01 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Khasaaraha dagaalka Muqdisho oo kordhay
 

 
 
Qof rayid ah oo ku dhintay dagaalka Muqdisho
Qof rayid ah oo ku dhintay dagaalka Muqdisho
Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah, oo saddex kamid ah ay carruur yihiin, ayaa ku dhintay dagaalkii lagu hoobtay ee shalay ka dhacay degamda Hodan ee magaalada Muqdisho.

Tiro kale oo fara badan oo rayid ah ayaa iyana ku dhaawacmay dagaalkii shalay, oo ahaa mid aad u culus, kaas oo dhex maray kooxaha kacdoonka iyo ciidamada AMISOM ee Midowga Africa ka jooga magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM oo aan looga baran inay madaafiic culus ku ridaan xaafadaha rayidka, sida lagu yaqaannay kuwa Itoobiya, ayaa shalay riday madaafiic badan oo khasaare ba'an geystay.

Sidoo kale, ciidanka AMISOM ayaa ilaalo xooggan oo aan looga baran ka hayey aagga KM4 ee magaalada Muqdisho.

Wax war ah oo ku saabsan dagaalka kama soo bixin ciidanka AMISOM, arrintaas oo ah mid ugub ah oo aan looga baran ciidankaas.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin