BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
01 Julaay, 2008, 12:58 GMT; 15:58 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Dagaal ka socda Matabaan
 
MAleeshiyo Somaali
Maleeshiyo Somaali
Lix askari oo Soomaali ah ayaa ku dhintay sideed kalena waa ay ku dhaawacmeen sida uu xaqiijiyay afhayeenka maxkamadaha Islaamiga.

Dagaalka oo ahaa mid xoog badan oo ka dhacayay nawaaxiga degmadda Matabaan ee gobolka Hiiran, ayaa hada Istaagay.

Xoogag hubaysan oo Sooomaali ah iyo ciidamo Ethiopian ah oo geedi u ahaa gobolka Hiiran kuwaasi ayaa dagaalamaya, ciidamada Ethiopia ayaa saaka aroortii hore kasoo guuray degmada Guricel ee gobolka Galgaduud, iyadoo labadii bari ee ugu danbeeyay ka dagaalamayay degmadaas. Halkaas oo ay ku dhinteen 12 qof, labaatan iyo toddobo qofna ay dhaawac yihiin.

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee dagaalkan laakiin sida ay dad rayid ah BBC da usheegeen ilaa 6 qof oo dhaawac ah ayaa lageeyay degmada Matabaan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin