http://www.bbcsomali.com

27 Juun, 2008, 17:55 GMT; 20:55 SGA

Yusuf Garaad
BBC London

Fannaanka Xasan Aadan Samatar

Heesaaga caanka ah ee Soomaaliyeed Xasan Aadan Samatar ayaa marti u noqday barnaamijka Falanqeynta jimcaha ee BBC oo dadka su'aalo fankiisa ku saabsan uga jawaabay.

Falanqeynta

Hassan Aadan Samatar oo ka mid ah fannaaniinta ugu weyn Somalia, waxa uu ku dhashay magaalada Diinsoor ee gobolka Bay, waxaana muddo dheer uu ku soo jiray fanka Somalia, isagoo qeyb libaax leh ka qaatay fanka Somalia, Xasan Aadan waxa uu ka jawaabay su'aalo badan oo dhageystayaasha BBC ay si toos ah u weydiiyeen.

Su'aalahaasi oo intooda badan ku saabsanaa taariikhdiisii fanneed ayaa Xasan Aadan waxa uu uga jawaabay dhageystayaasha isagoo qaarkood si toos ah ugu qaaday qaar ka mid ah heesaha faraha badan ee uu qaado fanaanka oo ay ka codsadeen dhageystayaashu.