http://www.bbcsomali.com

27 Juun, 2008, 10:49 GMT; 13:49 SGA

9 booliis ah oo lagu dilay Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in 9 askari oo ka tirsan ciidamada booliiska ee dowladda KMG ah lagu dilay deegaanka Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Warbixintan

Ciidamadaasi booliiska ayaa ku dhintay weerar gaadma ahaa oo koox dabley ah ay ku qaadeen shalay gelinkii danbe saldhiga booliiska ee Deyniile.

Mas'uuliyiinta booliiska ee gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay tiradaasi dhimashada, iyagoo cambaareeyay weerarkaasi.

Col Abdulahi Hassan Barise oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee booliiska ayaa waxa uu ku eedeeyay weerarkaasi inay ka danbeeyeen Al-shabaab.