25 Juun, 2008, 19:20 GMT; 22:20 SGA
Safiirka Djibouti u fadhiya Qaramada Midoobay, Rooble Colhaye, ayaa BBC-da uga waramay sababaha Golaha Ammaanka ee Qamada Midoobay uu guddi xaqiiqo raadis ah ugu diray xadka dalalka Djibouti iyo Eritrea.
Wuxuu safiirka Djibouti ee QM sheegay in ururo dhowr ah oo soo eegay xaaladda xadka ay xaqiijiyeen doodda ay Djibouti soo bandhigtay ee ku aadanayd in Eritrea ay ku soo gardarootay xadka dalka Djibouti.