http://www.bbcsomali.com

17 Juun, 2008, 21:21 GMT; 00:21 SGA

Maxamed Ibrahim Macallimu
BBC Muqdisho

Muqdisho: Dagaallo khasaaro geystay

Ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, 12 kalena waa ku dhaawacmeen dagaal culus oo fiidkii caawa ka qarxay isgoysyada Florene iyo Xararyaale ee Muqdisho.

dagaallada Muqdisho

Dhinacyada dagaallamayey, oo kala ah ciidanka Dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Itoobiya oo dhinac ah, iyo kooxaha kacdoonka wada oo dhinac ah, ayaa isu adeegsaday hub waaweyn, oo ay ku jiraan madaafiic ay ciidamada Itoobiya kasoo ridayeen xeryohooda.

Dadka dhimashada iyo dhaawucu soo gaaray ayaa u badan kuwa aan ag-dhaween goobta dagaalka, balse ay madaafiic habow ah ugu tageen guryohooda oo ku yaalla xaafadaha Laba-Dhagax, Geed-Jaceyl iyo kuwa kale.

Sidoo kale, guryo ayaa ku gubtay dagaalka, oo uu kamid yahay guri uu leeyahay ganacsade Mire Cali Buubaal.

Aad bay u adag tahay in la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray dhinacyada dagaallamay, inkastoo ay jiraan sheegashooyin iska soo horjeeda.

Dagaalladii saakay

Dagaalka qarxay caawa fiidkii ayaa daba joogay mid saakay ka billowday degmada Heliwaa ee Muqdisho, halkaas oo ay u ruuqaansadeen ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira, laakiin markii dambe ay kasoo laabteen, kaddib markii ay iska caabbin xooggan halkaas kala kulmeen.

Inta la hubo, ilx qof oo rayid u badan ayaa dagaalladaas ku geeriyooday.