|
Laba iyo Toban qof oo ku dhintay degmada Guri-ceel
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Ilaa Laba iyo Toban qof, ayaa siyaabo kala duwan ugu dhintay magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud, labaatan iyo Toddobana
waa dhaawac kadib markii ay xalay ay ku dagaalameen ciidamada Ethiopia oo Sabtidii tagay deegaankaas iyo xoogag hubaysan oo
dagaalo culus kala hortagay.
Sidoo kale, wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay duqeeyeen magaalada Guriceel, oo ay qasaaro soo gaareen dadka shacabka ee ku nool magaaladaasi. Wararkii ugu danbeeyay ee magaaladaasi ka soo baxay ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia la arkayay iyagoo kolonyo u socda oo isaga sii baxaya magaaladaasi, inkastoo aan la ogeyn sababta ay uga baxeen halkaasi in ay xeelad dagaal tahay iyo in kale. Ciidamada Ethiopia ayaa wararku sheegayaa in ay magaalada u jiraan ilaa dhawr Kiilomitir. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||